4/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalka Kismaayo


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ergaygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (SRSG),  Nicholas Kay ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka Kismaayo, isagoo ku baaqay in khilaafyada jira lagu dhameeyo wadahadal.

Danjire Kay ayaa wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa in wax laga xumaado ay tahay in dagaallo ay ka dhacaan Kismaayo laguna dhameeyo khilaafyada jira si nabadgalyo ah.

“Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso in ay go’aansadaan sidii ay khilaafka ugu xallin lahaayeen wadahadal. Waxaan ka xumahay wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalladaas.  Wixii hadda ka dambeeya waa inay taariikhda Soomaaliya qortaa in khlaaf walba oo yimaada lagu dhameeyo wadahadal,” ayuu yiri danjiire Key.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Qas hor leh oo billowday wuxuu sii dheereynayaa dhibaatada dadka Soomaaliyeeed oo keliya, sidoo kalena waxuu dib u dhigaayaa dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan bulshada caalamka.”

Ergaygu wuxuu sheegay in xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM uu door muhiim ah ka ciyaari doono xallinta khliaafaadyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, innagoo la tashayna buu yiri dhammaan qaybaha ay arrintan khuseyso.

Danjire Kay ayaa dagaalka Kismaayo kala hadlay madaxweynaha Somalia iyagoo isku raacay in laga shaqeeyo sidii lagu joojin lahaa colaaddaas ayna dhinacyadu u sameyn lahaayeen xiriirro ay si nabad ah ugu dhameynayaan khilaafaadyadooda.

Dagaalladii ka dhacay Kismaayo ayaa waxay sababeen dhimashada dad ku dhow 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamadii dagaalamayay, iyadoo ay weli ka taagan tahay degmadaas xiisad colaadeed oo sababi karta inuu mar kale qarxo dagaal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/9/2013 3:18 PM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo kala duwan oo caawa ka kala dhacay magaalada magaalada Mombasa iyo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Kenya.

6/9/2013 2:38 PM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo ka mid ah wafdiga dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku sugan ayaa ku eedeeyay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM inay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamaya Kismaayo.

6/9/2013 12:02 PM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee odayaasha, siyaasiyinta, xildhibaannada iyo waxgarad kasoo jeeda gobollada Juboboyinka oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu dalbaday in la joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo.

6/9/2013 9:47 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Bartamaha magaalada Baydhabo gar ahaan agagaarka Hotel Bay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa AMSIOM oo ku sugnaa waxaa lagu eegtay maanta bam-gacmeed, iyadoo qaar ka tirsan ciidamada AMSIOM iyo dad shacab ah ay ku dhaawacmeen.

6/9/2013 9:12 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inaan la isaga hari doonin hurinta colaad ay ku dhintaan dad aan waxba galabsan in si macno-darro ah lagu daadiyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

6/9/2013 9:10 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweysay mashaariic cusub oo dowladda Sucuudiga ay ka bilaabayso dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay fulinayso ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

6/9/2013 9:05 AM EST
Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada oo lagu lafa gurayay sidii hogaan midaysan loogu samayn lahaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya ayaa lagu qabtay hotelka Nomad ee xaafada Islii.

6/9/2013 7:56 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin uu ku jiray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

6/9/2013 7:32 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela oo 94-jir ah ayaa la dhigay isbitaal u yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrka, si looga daweeyo caabuq ama infakshan kaga dhacay sambabada.

6/9/2013 4:34 AM EST
Axad, June 09, 2013(HOL) :- Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Kismaayo kadib dagaallo xooggan oo shalay ilaa daraad gudaha magaalada ku dhexmaray ciidamada maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo kuwo daacad u ah Iftiin Xasan Baasto oo isagu sheeganaya xilka madaxweeynenimo ee Jubbaland.

6/9/2013 3:37 AM EST
Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Muwaadin Soomaaliyeed oo doonayay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya ayaa xalay dhac bareer ah logou geystay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo laga dhacay lacag gaaraysa 11,000 oo doolarka Mareykanka ah.