4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ku geeriyoodey Waddanka Finland

Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa maanta ku geeriyoodey dalka Finland. Xaaladda caafimaad ee boqorka oo bilihii u dambeeyey aad u liidatey ayaa kasii dartay kaddib markii uu dhiigga maskaxdu istaagey, taasoo sabab u noqotay geeridiisa.

Rabbi ha u naxariistee, Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo xilkan loo caleema saaray sanadkii 1987, wuxuu ahaa garyaqaan aad caan uga ah dalka, islamarkaana lasoo shaqeeyey dowladihii rayidka iyo tii militeriga ee uu hoggaaminayey madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1998 - xilligaas oo ahaa markii la asaasayey maamulka Puntland- Boqor Cabdullaahi wuxuu xilka boqortooyada ku wareejiyey walaalkiisii ka weynaa, Boqor Maxamuud Boqor Muuse, oo isna geeriyoodey sanadkii 2006. Sanadkii 2008 ayaa hadana mar kale xilka boqortooyada dib loogu caleema saaray; kaddib markii looga maarmi waayey.

Meydka boqorka -waxaa sida ay qaar kamid ah eheladiisa oo aan la xiriirnay ay noosheegeen- ayaamaha soo socda loosoo qaadi dooni dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, iyadoo loo badinayo in lagu aaso magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo ahaa boqorka 33-aad ee boqortooyada beelaha daarood, wuxuu ifka kaga tegey hal xaas iyo afar caruur ah iyo todobo qof oo ay sii dhaleen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya