4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Kulan looga hadlayay sidii Bulshada Rayidka ay uga Qaybqaadan lahaayeen sugidda Amniga oo Muqdisho lagu qabtay (WASIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay sida ururrada bulshada rayidka ah ay uga qaybqaadan lahaayeen dadaallada loogu jiro sidii lagu sugi lahaa ammaanka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen odayaasha dhaqanka, nabadoonno, haween iyo dhallinyaro.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa uu qayb ka ahaa kulammo si is-daba-joog ah loogu qabanayay Muqdisho, kuwaasoo looga hadlayay horumarinta ammaanka iyo waxbarashada dalka.

Guddoomiyaha dallada ururada bulshada rayidka, Muxyaddiin Xasan Afrax oo kulanka furay ayaa sheegay in bulshada rayidka ah looga baahan yahay inay is abaabusho, isla markaana ay dib boorka looga jafo kaalintooda kaga aadan wacyi-gelinta, ka shaqeynta amniga guud ee dalka.

"Bulshada rayidka waxaa laga rabaa inay is abaabusho oo kaalintooda lasoo baxaan, waxaa la rabaa inay ciidamada amniga nabada gacan ku siiyaan iyo in kooxaha nabada-diidan ay xaafadaha iyo guryaha kasoo dhex saaraan, Al-Shabaab dagaalkii tooska waa looga adkaaday, inay bulshada isku dhex-qariyaan oo ay is-qarxiyaan ayayna billaabeen, waxaan rabnaa inaad ka hor-tagtiin qaraxyada xaafadaha laga soo abaabulo," ayuu yiri Afrax.

Iimaam Maxamed Yuusuf oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay wada-tashi si dhibaatada jirta difaac looga geli lahaa, isagoo yiri: "Meesha dhib nooga imaanayo waxaa la rabaa inaan ogaano, oo aan ciidamada gacan ku siinno, amnigana kala shaqeyno… aan is kaashano… aan iska warqabno…. bulshada ha ogaato in dhibaatadan looga bixi karo in isku-duubni la muujiyo dalka iyo diintana aan daafacno."

C/kariin Cabdulle Cali oo ah guddoomiyaha gudiga dhallinyarada ee dallada bulshada rayidka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelinno joogto ah, isla markaana bulshada ay mar walba u taagnaato sidii ay uga qeyb qaadan laheyd sugida ammaanka.

Ruqiyo Cali Cabdulle oo iyana ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in 20-kii sano ay ururrada bulshada rayidka ah ka qayb qaadanayeen raadinta xalka ummadda, iyadoo xustay in bulshada laga rabo in xiriir joogto la sameeyaan dowladda, isla markaana la yimaada wacyi-gelin iyo toosinta bulshada, ayna kasoo baxaan bulshada dhexdeeda dad fir-fircoon oo ka qayb qaadan kara nabada.

Waxaa kulanka ka hadashay Faadumo Aadan Cosoble oo sheegtay in looga baahan yahay bulshada inay isku-xir sameeyaan, isla markaana xaafadaha laga abaabulo darisayn, lana helo kalsooni ay ku wada-shaqeyn karaan, si looga hortago dadka amni-darrada sameynaya ee kusoo dhex dhuumanaya, iyadoo ugu baaqay inay wada-shaqeeyaan maamullada degmooyinka iyo bulshada si ay isaga kaashaan nabadgelyada.

Intii uu socday kulankan waxay is-weydaarsadeen qaybaha kala duwan ee ka qaybgalay talooyin iyo fikrado la xiriira sidii dadallada dowladdu wado ee ay ku aaddan sugidda ammaanka uga qeyb qaadan lahaayeen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya