4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Boqolaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka oo Tababar loogu soo Gagagabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Saraakiishii ugu horreysay oo ka tirsan cidiamada xoogga dalka oo tiradoodu ahayd 880-askari ayaa tababar loogu soo xiray maanta xerada tababarka ciidamada ee Jaziira, iyagoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo tabbabar ku qaata gudaha dalka.

Xirtaanka tababarkan ayaa waxaa ka qaybgalay, ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Farax Shirdoon (Saacid), wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaq Cumar Maxamed  iyo wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Cilmooge Xirsi, iyadoo ciidamadan ay soo bandhigeen gaaddo-ka-ciyaarro kala duwan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Cilmi Aadan (Indha-qarsho) oo ka hadlay xafladda xirtaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay ahmiyad weyn u leeyihiin wax ka qabashada ammaanka dalka.

“Ciidanka maanta tababarka loo xirayo waa ciidan markii aan xaraynaynay aad la isku weydiiyay halka aan ka helayno dhaqaalaha ku baxaya, waxaana sharaf u ah dowladda Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa beesha caalamka in ay ciidmadan u dhameystirto tababar soconayay lix bilood ah, waxaana aad ugu kalsoonnahay in ciidamadan ay noqon doono kuwo ka xoreeya meelaha ay dalka uga harsan tahay Al-shabaab,” ayuu yiri Jen. Indho-qarsho.

Wasiirka gaashaandhiga, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ku bogaadiyay sida mutawacnimada ah ee ay ciidmadan u dalbadeen inay ka mid noqdaan ciidamada dalkooda difaacaya, isagoo tilmamay in ciidamadan ay saldhiga u noqonayaan asaaska ciidamadan Qaranka Soomaaliyeed.

“Waa ciidankii ugu horreeyey ee dalka gudihiisa ay ku tababbaraan saraakiil Soomaaliyeed, waxaana makhraati ma doonta ah haddii aan isku tashano in aan wax qabsan karno, ciidankan waxay doorteen inay dalkooda & diintooda ka difaacaan cadowga, waana lagu abaal-marin doona,” ayuu yiri Fiqi.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan sida ugu dhaqsaha badan loogu dhamaystirayo agabyadii ay ku howl-geli lahaayeen, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

“Ciidankan waxaa tababbarka loo furay markii xukuumadda la ansixiyay, waana wax  lagu farxo in muddo 23 sano ah kaddibd markii ugu horreysay ay ciidanka Qaranka ay tababaraan saraakiil Soomaaliyeed, tababbarkan waa wajigii koowaad, wayna sii socon doonaan, waxaana xukuumadda ka go’an in dhammaan ciidanka qalabka sida ay si joogta ah u helaan tababar iyo xuquuqaadkooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid ka sheegay xaflada xiritaanka tababarka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in siyaasadda dowladda ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka ciidanka, iyadoo golaha wasiirradu ay Khamiistii lasoo dhaafay magacabeen guddi ka shaqayn doona sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee haysta ciidanka qalabka sida.

Ugu danbayn, saraakiishii, wasiirradii iyo ra’iisal wasaaraha ayaa ciidanka la qadeeyey, iyagoo kala sheekeystay duruufaha ay ku tababarteen, waxaana arrinkaas qayb ka yahay dadaalka ay dowladdu ugu jiro sidii kor loogu qaadi lahaa moraalka ciidanka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u ballan-qaaday kooxda horseed oo duruufo dhanka nolosha ah ay ka muuqdeen in la siinayo lacag gaaraysa 30,000 oo doollar, isagoona ku tilmaamay in kooxdaani ay laf-dhabar u tahay guubaabinta ciidanka xoogga dalka.








Maxaxmed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya