3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Arday kaalimo Wanaagsan ka galay waxbarashadooda oo abaalmarino lagu guddoonsiiyay Magaalada Borlänge (SAWIRRO)


Isniin, June 24, 2013(HOL)—Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu abaalmarinayay dad wax fiican sameeyay oo ku nool dalka Sweden, gaar ahaan magaalada Borlänge ayaa lagu qabtay magaaladaas, iyadoo xafladdana ay ahayd mid ay ka qeybgaleen inta badan oo ka mid ah dadka ku nool magaaladaas.

 

Xafladda oo lagu qabtay Xaafadda Tjäna Angar ee degmada Borlänge ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Dugsiga Tayo Stduiecirkel, waxaaney xafladda ka koobneyd seddex qeybood oo kala ah: 1- Shahaaddooyin lagu guddoonsiiyay arday dhammeysatay barashada gaadiid-kaxeynta, isla markaana ku guuleystay in ay qaataan ruqsadda gaadiid-kaxeynta ama Leesinka 2- Qeyb lagu haddiyado lagu guddoonsiiyay Arday ka qalin-jebisay dugsiyada sare ee magaalada Borlänge 3- iyo ugu dambeyntii qeyb billado iyo koob lagu guddoonsiiyay labo kooxood oo ku tartamay koob loo dhigay in lagu maamuuso ardayda ka qalin-jebisay Dugsiyada sare ee Magaalada Borlänge, iyadoo koobkaasna la siiyay hal-ku-dhig ah Xuskii Waxbarashada iyo dhiirigelinta dhalinyarada.

 

Intii ay socotay munaasabadda waxaa ka hadallo qiimo leh ka jeediyay waxgarad kala duwan oo ka kala socday qeybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlänge, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen in ay muhiim tahay waxbarashada nooc kasta oo ay tahay haddii ay ahaan lahayd midda afka Swedish-ka iyo weliba tan barashada sharciyada leesinka.

 


Waxgaradkii ka hadlay munaasabadda ayaa marka laga soo tago in ay u mahadceliyeen Aas-aasaha Dugsiga Tayo Studiecirkel Macallin Saciid Siyaad ayaa waxay dhanka kale muujiyeen sida loogu baahan yahay in waalidiinta ay garab siiyaan caruurtooda si ay ugu aflaxaan waxbarashada, isal markaana aysan u noqon kuwo ku dhex luma bulshada Swedish-ka ah ee ay la nool yihiin.

 

Waxaa kale oo xusid mudneyd in laga dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed meel ay caalamka ku nool yihiinba ay yihiin safiirro sida dhambaallo ka tarjumaya dad Soomaaliyeed, dhaqan iyo diin ahaan, sidaas darteedna ay muhiim tahay in sawirrada laga dheexdo dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo fiican oo dhanka xun ka turjumeynin.

 

Magaalada Borlänge ee Gobolka Dallarna ee dalka Sweden ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida ugu badan Sweden, waxaana magaaladaas noqotay magaaladii ugu horreeyay oo ay dadka Soomaaliyeed ka billaabaan in afka Soomaaliga lagu barto sharciyada gaadiidka lagu kaxeeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dalka Sweden uu ka mid yahay waddamada ugu sharciyada adag marka ay timaado gaadiid-kaxeynta.

 


Intii ay munaasabadda socotay ayaa waxaa abaal-marinno la siiyay ardaydii ka qalinjebisay dugsiyada sare iyo kuwii ka baxay dugsiga barashada sharciyada gaadiid-kaxeynta, waxaana abaal-marinnadaas bixiyay Maxamed Abuukar iyo Axmed Bari oo iyagu qeybtaas u xilsaarnaa.

 

Dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Inj. Abuukar Shiikh Xasan, Axmed Shiil, Mursal Ciise, C/qaadir Cagma-dhige, Muuse Dhiilow, Macallin Fanax iyo Valbone Shala oo socotay degmada Borlänge, waxayna dhammaantood madasha ka jeediyay hadallo qiimo badan oo isugu jiray. Sidoo kale waxaa tix gabayo ah ka soo jeediyay Macallin C/llaahi Indhayare iyo Abshir Dheere.


Sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyay arday ay ka mid ahaayeen Maslax Muuse Dhiilow, Iimaan Cusmaan Fariid Buux, iyadoo sidoo kalena ay majaajillo qosol badan oo waxbarashada ku saabsan soo bandhigeen ardayda kala ah Axmed Cusmaan, Zaki Cumar, Yaxye Cusmaan iyo Muno Maandeeq.

 

Dugsiga Tayo Studeicirkel oo la aas-aasay sanadkii 2010 ayaa tan iyo markii laga billaabay barashada sharciyada gaadid kaxeynta ayaa waxaa ka qalin-jebiyay 8 dufcadood oo tii ugu dambeysay shalay xaflad loo sameeyay.









 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected] 













Click here
6/24/2013 3:09 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sannadihii ugu dambeeyay ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ayaa warar maanta soo baxay waxay sheegayaan inuu si qarsoodi ah uga baxsaday degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu deggenaa.

6/24/2013 1:25 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa maanta ku geeriyoodey dalka Finland. Xaaladda caafimaad ee boqorka oo bilihii u dambeeyey aad u liidatey ayaa kasii dartay kaddib markii uu dhiigga maskaxdu istaagey, taasoo sabab u noqotay geeridiisa.

6/24/2013 1:17 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Saraakiishii ugu horreysay oo ka tirsan cidiamada xoogga dalka oo tiradoodu ahayd 880-askari ayaa tababar loogu soo xiray maanta xerada tababarka ciidamada ee Jaziira, iyagoo noqonaya kuwii ugu horreeyay oo tabbabar ku qaata gudaha dalka.

6/24/2013 1:11 PM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xaflad weyn oo ay ku qalin-jabinayeen arday Soomaaliyeed ee dhameystay wax-barasho Jaamacadeed ayaa lagu qabtay magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.

6/24/2013 11:27 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa magacaabay guddi ka hor tagga tahriibka iyo hirgalinta shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda.

6/24/2013 10:57 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyay ka doodista sharciga xuquuqul aadanaha ee Soomaaliya, kaddib markii ay ka dalbadeen guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrintan in dib loo dhigo tan iyo kal-fadhiga saddexaad ee baarlamaanka oo furmaya kaddib fasax ay dhawaan galayaan xildhibaannada.

6/24/2013 9:19 AM EST
Isniin, June 24, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu awood u isticmaali doono maleeshiyaadka hubaysan ee ku dagaallamaya deegaanadda Mandheera iyo Wajeer hadii aanay hubkooda soo dhiibin.

6/24/2013 9:15 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii uu soo dhamaystay socdaalkii uu goboladda ku marayey, xalay kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamcadda Hargeysa,kuwaas oo waydiiyey su’aalo aad u kulkullaa oo ku aadan mawqifkiisa madax banaanidda Somaliland uu ka qabo.

6/24/2013 8:51 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Guddidda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey heerka uu cudurkaasi ka marayo Somaliland iyo sida looga baahan yahay in golaha Wakiiladdu qayb uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshadda, isla markaana shacabka ula wacyigelin lahaa halista uu leeyahay cudurkan.

6/24/2013 8:42 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta u magacaabay afhayeenka xafiiskiisa, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ah waaya-arag dhanka warbaahinta ah.

6/24/2013 8:19 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay kaga doodeen hidise sharciyeedka maal-gashiga dalka, iyagoo warbixin dheer ka dhageystay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Axmed Xasan.

6/24/2013 8:04 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay sida ururrada bulshada rayidka ah ay uga qaybqaadan lahaayeen dadaallada loogu jiro sidii lagu sugi lahaa ammaanka ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen odayaasha dhaqanka, nabadoonno, haween iyo dhallinyaro.

6/24/2013 5:44 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — AMISOM Siminaar socday afar maalmood ah u soo xirtay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo sare loogu aqaadayay aqoontooda la xiriira howlaha ay u hayaan baarlamaanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

6/24/2013 5:33 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Dowladda hoose ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa billaabay howlo lagu burburinayo dhismayaal laga sameeyay hareeraha waddooyinka magaaladaas.

6/24/2013 4:37 AM EST
Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa xalay ku toogtay xaafadda Ceel-qalow ee degmada Wadajir mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya xilli uu gurigiisa kusii socday.

6/24/2013 4:25 AM EST
Isniin, June 24, 2013 (HOL) - Dagaal beeloodyo u dhexeeya qaar kamid ah beelaha dega gobolka Soomaalida Kenya ee waqooyi bari ayaa sababay inay socon waayaan gaariyaashii basaska ahaa ee qaadi jiray dadka isaga kala goosha deegaanada gobolka iyo caasimada dalka Kenya ee Nairobi.