4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Guddidda La Dagaallanka HIV/AIDS oo Golaha Wakiillada Warbixin ka siiyay Heerka uu Somaliland ka Marayo Cudurkan (SAWIRRO)


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Guddidda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee Somaliland, ayaa golaha Wakiiladda warbixin ka siiyey heerka uu cudurkaasi ka marayo Somaliland iyo sida looga baahan yahay in golaha Wakiiladdu qayb uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshadda, isla markaana shacabka ula wacyigelin lahaa halista uu leeyahay cudurkan.

Hay’adda la dagaalanka HIV/AID oo ay ka socdeen agaasimaha fulinta Maxamed Daahir Khayre, agaasimaha maamulka iyo lacagta Cabdikariim Xinif, dhakhtarka khaaska ku ah cudurkan Dr:Cabdiraxmaan Cabdilaahi iyo xubno kale oo guddidda ka tirsan.

Agaasimaha fulinta Maxamed Daahir Khayre oo warbixinta golaha ka soo horjeedayey ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Xanuunkani wali inaga xageena wuxuu ka yahay mid bulshadda dhexdeedda ka dilaacay, waxaanu marayaa 22 sanno intii Somaliland laga helay, qofkii ugu horeeyey ee laga helay Somaliland waxay ahayd 1992-kii magaaladda Berbera, cudurkuna wuxu ku fidaa qof xanuunka qaba oo qof kale gaadhsiiya isago u marinaya dhiig, ama mid lagu shubo ha noqoto ama si kale ha noqoto, galmadda, waxa kale oo la socdaa taranka dumarka iyo dheecaanada la socda iyo caanaha Naaska hooyadda, Fayraskan dhaliya cudurkani wuxuu u badan yahay dhiiga oo ah ka ugu badan ee lagu kala qaadi karo waxa ku xiga shahwada iyo dheecanadda dumarku leeyihiin”.

Mar uu ka hadlayey afar sahan oo ay sameeyeen sanado badan iyo natiijooyinkii usoo baxay waxa uu yidhi. “ Afar sahan ayaa laga sameeyey  dalka oo marka laba sano la joogaba waa la sameeyaa, waxaana ka sameemay dumarka uurka leh oo goobo cayiman laga doortay oo lagu noqdo labadii sanadoodba mar”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ laba qaybood ayaa daraasada loo sameeyaa mid bulshadda oo dhan laga qaato saambal, taas ma awoodi karno oo waa mid lacag badan, marka aanu taas jirin waxa la qaataa dumarka uurka leh oo qayb laga qaato, afartaasi sahan ee  la sameeyey waxay cadaynayaan  1999 kii mooyee inuu cudurku yahay mid ku baahay bulshada Somaliland”.

Mar kale isagoo ka hadlaya sida loo ogaado inuu cudurkani faafay iyo in kale waxa uu yidhi “Maxa lagu qiimeeyaa  ama u astaan ah inuu cudurkaasi faafay, , waxa la isla qaatay dunida hadii mar walba baadhitaanka la sameeyo  1% ka sareeyo natiijadda, isla markaana   cudurardda dhalmada lagu kala qaadaa 5% ka sareeyaan,  isla markaana dadka qaba Xanuunka TB-da iyo HIV labaduba ka sareeyaan  6% waxay astaan u yihiin in aanay ka koobnayn  kooxo kooban ee bulshada ku baahay”

Agaasimuhu wuxuu sheegay in sahankii ugu horeeyey la sameeyey 1999  waxaana lagu qiyaasay dadka cudurkan la nool 0.9% oo u dhiganta 31,500, sahanka labaad waxa la sameeyey sanadkii  2004 kii waxa uu ahaa 1.4%, sanadkii ku xigay waxa la sameeyey 2007 kii waxa uu ahaa 1.3%, sahankii u dambeeyey wuxuu ahaa 2010 waxa la arkay 1.1%  oo u dhiganta 38,500 qof.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in cudurada lagu kala qaado dhalmadda dadka qaba lagu qiyaasay inay 5% ka sareeyaan, halka sanadkii 2004 tiina lagu qiyaasay 12.3%, sanadkii  2007 kii Waxay ahayd 6.3%, sanadkii u dambeeyey  2010,   7.0% a ayey ahayd, taasina waxay cadaynaysaa buu yidhi in cudurkani ku faafi karo dalka.

Agaasimuhu mar uu ka hadlayey goobaha dadka qaba lagu baadho waxa uu yidhi “Inta meeleed ee dadka laga baadhaa waa goobaha ay dadku iskood u yimaadaan oo ay isku baadhaan,  xarumaha dhalaanka iyo caruurta waa lagu baadhaa, Dhiiga la biixinayo ee lagu deeqana waa laga baadhaa, dadka TB qaba waa laga baadhaa, haddii aynu eegno 2012 tirada la baadhay waa sideed iyo labaatan kun iyo sagaal iyo sideetan qof ayaa la baadhay waxa laga helay lix boqol iyo afar iyo sideedan qof, Dadka ugu badan ee la baadhay ee laga helay waa 25 ilaa 34 Da’da u dhexeysa”

Waxa kale oo uu sheegay inay iyaduna ay arkeen dad da’da waaweyn ah oo ay ku arkeen, kuwaas oo ay u bixiyeen waayeelka Jaqaf-sadda.

Goboladda Somaliland waxa sanadkii 2012 oo la baadhay dadka qaba ee ku nool inay yihiin sidan, gobolka Awqdal waxa laga helay 8%, Saaxil 2.2%, Togdheer 13 %,  Sool 2.9 %,  Sanaag, 2.3, Maroodi jeex 9.1%  oo ah caasimadii oo ah meesha ugu weyn ee dadka lagu daweeyo laguna baadho.

“Inta badana dadku deegaanka laga yaqaano way ka yimaadaan oo meelo kale ayey tagaan oo bulshada takoorta, marka ninkii awoodi karaya wuxuu tagaa deegaan kale oo dawada ka qaataan, qaarkoodna waxay tagaan dalalka jaarka ah baqdinta ay bulshada ka qabaan awgeed,  waana waxyaalaha muhiimka ah ee loo baahan yahay inay baarlamaanku ka hawlgalaan”ayuu hadalkiisa ku daray.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in dhiig aan labaadhin aan dadka lagu shubin, kuwaas oo laga baadho cudurada dhiiga lagu kala qaado, waxaanu sheegay in sanadkii 2012 kii dadkii la baadhay laga helay 17 qof laga helay HIV/AIDS, cudurka Xabadda 31 qof, Cudurka caag showga nooca (B) 329 qof, Cagaar show (C) waxa laga helay 16 qof oo dhamaantood ah cudurada dhiigga lagu kala qaado.

Sidoo kale, xidlhibaanaddu waxay waydiiyeen sababta xeer lagu dhaqo qofka cudurkan qaba ee dhib kale u gaysata waxa laga yeelo, haseyeshee agaasimaha ayaa sheegay inta badan dulman yihiin dadka cudurkan la nool, isla markaana ay jiraan dad hantidoodii laga qaaday isla markaana la dayriyey, kuwaas oo ay u doodeen, waxaanu soo dhaweeyey in loo baahan yahay in xeer la sameeyo u hiiliya xaquuqda qofka cudurkan qaba iyo haddii uu si u kas ah u qaadsiiya qof kale waxa laga yeelayo. 





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland