4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Madaxweynaha Somalilnad Ax'ed Siilaanyo oo Guddi sare u Magacaabay ka hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siillaanyo, ayaa magacaabay guddi ka hor tagga tahriibka iyo hirgalinta shaqo abuur loo sameeyo dhalinyaradda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga hortago tahriibka dhalinyaradda, isla markaana loo badbaadin lahaa Da’yarta dalka usoo koraysa.

“Sida aad ka war-haysaan, waxa isa-soo-taraya dhalinyarada  tahriibka u xadhko-xidhanaysa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Bulshadda Somaliland, maadaama tahriibku yahay aafo laga dhaxlo haligaad nafeed iyo ummadeed”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu intaas ku daray “Haddaba, si aafadaasi loo soo afjaro, isla markaana loo badbaadiyo da’yarta, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka. Waxaana guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sidaa darteed mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan”.

Guddidan oo ka kooban toddoba wasiir waxay kala yihiin;

1. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,
2. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska,
3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
4. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta,
5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta,
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta,
7. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii dhalnyaro badan ay dalka ka tahriibeen, isla markaana isku miidaamiyeen jidka halista badan ee Saxaraha iyo Bad weynta u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaanay dhalinyaradaasi u badan yihiin kuwo aad u yar yar oo dugsiyada dhexe iyo sare ku jira.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland