4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
MADAXWEYNE SIILAANYO “Kama qayb-galayno shirka London haddii uu noola muuqdo mid karaamadeenna wax u dhimaya”

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in aanay shirka Arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bisha May ka dhici doona magaalada London ka qaybgali doonin haddii ay u arkaan in karaamadda iyo qaranimadda Somaliland wax u dhimayso.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu la hadlayey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxaanu jaaliyadda uga xog waramay waxqabadka xukuumadda mudaddii ay jirtay ay ka gaadhay caafimaadka, Waxbarashadda iyo horumarka kale ee mujtamaca.

“Madaxweynaha Somaliland. Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa kullan xog-wareysi ah la yeeshay Jaalliyadda Somaliland ee ku dhaqan Dalka UK”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Kulankaasi uu madaxweynuhu la yeeshay jaaliyadda Somaliland waxa kula wehelinayey Wasiirrada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka Badda. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Gudoomiye-xigeenka 2aad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Xildhibaan, Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Safiirka Wareega ee Somaliland Ambassor, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Xasan Xariir Xirsi, iyo masuuliyiinta Jaalliyadda Uk iyo Madax-dhaqameedyada reer Somaliland qaar ka mid ah.

“Shirkaasi London lagu qabanayo Kama Qayb Gali doono haddii uu shirkaasi yahay mid aan Maslaxaadda Qaranka Somaliland aanay dani ugu jirin, kamana Qayb gali doono haddii aanu u aragno in shirkaasi uu yahay mid hoos u dhigaya karaamada Somaliland, cidna uga habran mayno inaanu u sheegno aragtidayada shirkaasi la xidhiidha ee ku wajahan ka qayb-galkiisa, balse waxa aanu ka qayb gali-doonaa oo kaliya haddii aanu u aragno ama aanu ka dhex aragno danaha qarankan Somaliland, maslaxadiisu ay ku jirto oo aanu weliba aad uga baraan degno kana yeelano tallo Qaran” ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlayey shirka Bisha May ka qabsoomi doono London ee ay wada jir u qabanqaabinayaan dawladda Ingiriiska iyo dawladda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in xukuumadiisu ay ku dhisan tahay talo wadaag oo sidii horeba ay u yeeshay ay hadana tallo wadaag Qaran laga yeelan doonto marka ay gaadho wakhtigeeda la xidhiidha Shirkaasi.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu shacabka Somaliland ee dalka dibadiisa iyo dalka Gudihiisa ku sugan uu ku Booriyay in ay u midoobaan, meelna uga soo wada jeestaan Horumarka Dalkooda hooyo oo ay sii laban laaban dedaalka ay ugu jireen Qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna sheegay natiijooyinkii ka soo baxay kullan ay la yeesheen wasiirka wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kaasi oo uu ku tilmaamay mid ku dhamaaday guulo la isku afgartay, waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dhinac ay isla af garteen, waxaanu tilmaamay Ingiriisku durba wax ka badaleen digniintii dhinaca socdaalka ee ay soo saareen, isla markaana ay labada dhinac sii xoojin doonaan wada shaqayntii ka dhexeysay.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Kalluumaysiga  C/laahi Jaamac Cismaan Geel jire, Gudoomiye-xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Mareexaan), Wasiirku-xigeenkii hore ee Arrimaa Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Yoonis oo dhamanatood ka hadlay waxyaalihii u qabsoomay mudadii ay xilka ahyeen.

Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweynuhu cadeeyo siday u arkaan shirkaasi, inkastoo dadweynaha Somaliland qaarkood ay ku doodaan in sababta uu Ingiriisku warbaahinta ugu soo mariyey digniinta amni darada ahayd ay tahay arrin siyaasadeed oo uu doonayo inuu Somaliland qasab kaga dhigo ka qaybgalka shirkaasi Soomaalidda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland