4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Qarax Khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay Isgoyska Black Sea iyo Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada oo la dilay

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawcmeen qarax ka dhacay gellinkii dambe ee maanta Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, iyadoo sidoo kale kooxo hubeyasn ay maqribnimadii caawa toogasho ku dileen askari ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegaday bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo kooxihii bamka tuuray ay goobta ka baxsadeen, waxaana labada ruux ee ku dhintay ay kala ahaayeen haweeney iyo cunug yar.

“Jug weyn ayaan maqlay, markaan daaqada maqaahida eegay waxaan arkay haweeney iyo cunug yar oo mayd ah iyo laba oo kale oo dhaawac ah,” ayuu yiri ganacsade maqaayad ku leh isgoyska uu qaraxu ka dhacay.

Weerarkan ayaa waxaa lala beegsanay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa isgoyskaas, inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray, waxaana goobta soo buuxiyay ciidammo badan oo kuwa dowladda ah, waxayna markiiba billaabeen inay rasaas furan.

“Koox dhalinyaro ah ayay ciidamadu qabteen, waxay ku eedeeyeen inay wax ka ogaayeen weerarka. Markii qarax dhaco qof walba waa la iska qabtaa iyadoo lagu eedeeyo inuu weerarka lug ku lahaa,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwii caruurteeda ay qabteen ciidamada, kaasoo markii dambe lasii daayay.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa waxay askari ku toogteen afaafka hore ee suuqa Bakaaraha, iyagoo goobta ka baxsaday, waxaana sidoo kale uu isla xiligaas qarax weyn ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, iyadoo khasaaraha uu geystay aan la ogeyn.

Weeraradan ayaa waxay kusoo beegmayaa xili ciidamada dowladu ay ka wadeen magaalada Muqdisho howlogalo ay ku raadinayaan kooxaha ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen inay dhibaatooyin ka geystaan caasimada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya