3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Dagaal culus oo ciidamada Maamulka Somaliland iyo kuwa Maamulka Khaatumo ku dhexmaray Gobolka Sool

Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo ku dhexmaray deegaanka Laf-weyn oo ka tirsan deegaanka Xuddun kana xigta dhinaca galbeed qiyaastii 20-km.

Dagaalkan ayaa sida ay sheegayaan dad ku dhow deegaankaas soconayay muddo saacad ku dhow, iyadoo aan laga warhayn khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada ciidan, inkastoo dhinac walba uu sheegayo guulo uu ka gaaray dagaalka.

Wasiirka Amniga maamulka Khaatumo, Maxamed Ducaale Cabdi oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal la galeen ciidamada Somaliland, kuwaasoo uu sheegay inay dhibaato ku hayeen dadka deegaankaas ayna ka qaadayeen hubka yaryar ee ay sitaan.

Ducaale wuxuu intaas ku daray inay ciidamadoodu khasaare kala duwan u geysteen ciidamadii ay la dagaalamayeen ee Somaliland, dhankoodana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray. Balse ma jiraan ilo dhexdhexaad ah oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay.

Maamulka Somaliland illaa hadda kama hadlin dagaalka ka dhacay Xuddun, waxaase muran ka taagan yahay duulaanka iyo cida soo qaaday, iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay HOL u sheegeen in ciidamada weerarka qaaday ay ahaayeen guutada wareegta ee maamulka Khaatumo kuwaasoo dagaallo ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah u geysta ciidamada Somaliland.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaal noocan oo kale uu ku dhexmaro deegaanka Xuddun ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatrumo State, iyadoo ciidamada Khaatrumo inta badan diiddan joogitaanka ciidamada Somaliland ee deegaannada gobolka Sool ay weerarro gaadmo ah ku qaadaan.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
2/13/2013 11:31 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in aanay shirka Arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee bisha May ka dhici doona magaalada London ka qaybgali doonin haddii ay u arkaan in karaamadda iyo qaranimadda Somaliland wax u dhimayso.

2/13/2013 11:26 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawcmeen qarax ka dhacay gellinkii dambe ee maanta Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, iyadoo sidoo kale kooxo hubeyasn ay maqribnimadii caawa toogasho ku dileen askari ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

2/13/2013 9:35 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo safarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu dalka kaga ambabaxo.

2/13/2013 9:27 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweyne caalami ah oo looga hadlayay dhoofinta Mooska iyo miraha kale kaasoo socdey 06 illaa 09 bishaan feberaayo, arrimo ku saabsana shirkaas iyo heshiisyo ay soo gashay ayay mas’uuliyiinta shirkadda Fruitsome kaga warbixiyeen xaruntooda Muqdisho ee Soomaaliya.

2/13/2013 7:54 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay albaabbadu u xiran yihiin la yeeshay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Annaadiif oo ay wehliyeen xubno ka socday ururka Midowga Afrika.

2/13/2013 7:04 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Ururka Ahusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa ku geeriyooday isbitaal ay maamusho AMISOM oo ku yaalla Muqdisho, kaddib markii xanuun xalay kusoo booday awgiis loo keenay Muqdisho.

2/13/2013 6:30 AM EST
Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Australia ayaa habeenimadii xalay kulan isugu yeertay dhammaan aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool waddankaas.

2/13/2013 5:26 AM EST
Arbaco, February 13, 2013(HOL) - Shan qof ayaa dhimatay afar kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kadib markii gaari nooca rakaabka qaado uu ku rogmaday duleedka magaalada Dooloow ee gobolka Gedo.

2/13/2013 3:15 AM EST
Arbaco, February 13, 2013(HOL) - Waxaa shalay gelinkii danbe gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay gudoomiyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida ee degamada Kismaayo G/sare Max’ed Cismaan Cali (Keyb-haye), kadib markii ay haleeshay rasaas ay isweeydaarsanayeen laba askari oo katirsan ciidamada dowladda.

2/13/2013 1:53 AM EST
Arbaco, February 13, 2013(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kaasi oo dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale ee gacanta siinaya.