4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Dagaal Xooggan oo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo


Arbaco, February 13, 2013(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, kaasi oo dhexmaray Xoogagga Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale ee gacanta siinaya.

 

Dagaalka oo socday muddo labo saacadood ah ayaa wuxuu ahaa mid culus oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalkuna ay ku soo qaadeen xoogagga Al-shabaab fariisimada ciidamada ee ku yaalla Baydhabo.

 

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta ay tiradooda la egtahay haddana waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dhinacyadii dagaaallamay iyo weliba dad rayid ah oo guryahooda ay ugu galeen madaafiic habow ah.

 

Dagaalkan ayaa wuxuu magaalada Baydhabo ka dhacayaa iyadoo uu jiro khilaaf xooggan oo dhinaca maamulka ah, waxaana maalmihii aynu ka soo gudubnay gudaha u soo galay ciidamo faro badan oo soo faarujiyay fariisimadii jiidda hore ee dagaalka ee ay ku sugnaayeen, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay Al-shabaab soo weerarto magaalada.

 

Shalay ayay ahayd markii uu magaalada ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah, kaasi oo geystay khasaare soo gaaray Ciidaamada Itoobiya. Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa waxay ka mid ah magaalooyinka ay sida weyn ugu xoogganaayeen Al-shabaab, inkastoo markii awooddoodii wiiqantay ay magaalada isaga baxeen.

 

Wararkeena dambe kula soco wixii ku soo kordha wararka Magaalada Baydhabo haddii Alle idmo.

 

 

Hiiraan Online

Baydhabo