4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Shirkadda Dhoofinta Mooska ee FRUITSOME oo Heshiisyo Caalami ah la gashay Shirkadaha DOLE iyo DEL MONTE (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) —  Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweyne caalami ah oo looga hadlayay dhoofinta Mooska iyo miraha kale kaasoo socdey 06 illaa 09 bishaan feberaayo, arrimo ku saabsana shirkaas iyo heshiisyo ay soo gashay ayay mas’uuliyiinta shirkadda Fruitsome kaga warbixiyeen xaruntooda Muqdisho ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha shirkadda, Cusmaan Xayle ayaa sheeagy inay ku guulaysatay shirkaddu inay ka qayb-gasho shirkeedii ugu horreeyay ee ka dhaca dalka Jarmalka, isagoona xusy in tani ay tahay guul ballaaran oo u soo hooyatay beeraleyda Mooska Soomaaliyeed oo xilligan ay u furmayaan albaabbadu ka ganacsiga Mooska, kaddib muddo dheer oo dalkan uusan ka dhoofin Moos.

Intaas kaddib madaxa maaliyadda ee shirkadda Fruitsome, Sheekh Xuseen Cismaan Waasuge ayaa wuxuu saxaafadda u akhriyay war-saxaafadeed ay shirkaddu soo saartay, kaasoo lagu sharraxay habkii ay shirkaas uga qayb-galeen.

“Shirkadda Fruitsome waxay ka qayb-gashay carwo caalami ah oo lagu qabtay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, taasoo ay kasoo qayb-galeen shirkado caalami ah kuwaasoo ka ganacsada noocyada kala duwan ee khudaarta sida Mooska ama Muuska, runtiina shirkaddeena si diirran ayaa loosoo dhaweeyay,” ayuu yiri Sheekh Xuseen.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in shirkadda Fruitsome la jeclaysatay inay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigto waxaayaabihii ay halkaa kusoo bandhigtay; isagoona hoosta ka xarriiqay in shirakddu ay heshiisyo gacsi lasoo saxiixatay shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin: Dole iyo Del Monte,

Dhanka kale, madaxa maaliyadda ee shirkadda Fruitsome Sheekh Xuseen ayaa sheegay in shirkadahan dhamaantood ay dhoofiyaan Mooska isla markaana ay haystaan suuq-geyn ballaaran.

Ugu dambeyn, Sheekh Xuseen wuxuu in shirkaddoodu ay Mooska u dhoofin doonto dalalka Bariga Dhexe iyo kuwo kale oo caalami ah. Iyadoo Shirkaddu ay noqonayso tii labaad dalka ka hana-qaadda tan iyo markii ay meesha ka baxday wakaaladdii Mooska Soomaaliyeed; iyadoo xilliyadii burburkana ay soo baxeen shirkado kale oo Mooska dhoofiya kuwaasoo aakhirkii burburay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya