4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo

Arbaco, February 13, 2013(HOL) - Shan qof ayaa dhimatay afar kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kadib markii gaari nooca rakaabka qaado uu ku rogmaday duleedka magaalada Dooloow ee gobolka Gedo.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ku rogmaday duleedka magaalada Dooloow, waxaana gabi ahaanba ay waxyeelo soo gaartay dadkii gaariga saarnaa oo gaarayay ilaa sagaal qof oo uu ku jiro wadihii gaariga.

“Gaariga wuxuu ku rogmaday meel 25-km u jirta Dooloow Itoobiya oo dhanka Soomaaliya ah, waxaa gaariga saarnaa sagaal qof, hooyo iyo afar wiil oo ay dhashay ayaa ku dhintay, afar kale oo uu ku jiro aabihii reerkana waa ku dhaawacmeen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan magaalada Dooloow oo warbaahinta lahadlay.

Dadka ku dhaawacmay shilka ayaa lagu soo waramayaa in xaaladooda ay aad u liidato islamarkaasina ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana caafimaad lagula tacaalayaa isbitalka magaalada Dooloow ee gobolka Gedo.

Gaariga rogmaday ayaa la sheegay in uu ka yimid dhanka Itoobiya islamarkaasina uu ku wajahnaa dhanka Dooloow Soomaaliya, waxaana la sheegay in gaariga oo ku socday xawaare sare uu ka baxay wadada taasoo sababtay in uu rogmado.

Shilkan gaari ee ay dadka badani ku waxyeeloobeen ayaa imaanaya xilli bur-bur baahsan uu ka jiro wadooyinka isku xira degmooyinka gobolka Gedo, kuwaasoo aan wax dayactir ah helin mudadii dheerayd ee uu dalku dowlad la’aanta ahaa.

……………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya