4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 13, 2013
Kulanka lagu taageerayay Hannaanka Isbedel ee ka dhacay Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Australia (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 13, 2013 (HOL) — Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ay ku leedahay wadanka Australia ayaa habeenimadii xalay kulan isugu yeertay dhammaan aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool waddankaas.

Kulankaan oo ku wajahnaa sidii loo taageeri lahaa hannaanka iyo isbadalka cusub ee ka jira dalka Soomaaliya  ayaa waxaa soo agaasimay qunsulka guud ee  Soomaaliya u fadhiya dalka Australia mudane Yoonis Yaasiin  Xaashi,iyadoona ay goob  ka ahaayeen  kulankaasi mas,uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii dalka isaga sambeeyay.

Ujeedada kulankaani oo diiradda lagu saaray sidii ay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool waddanka Australia taageero muuqata uga geysan lahaayeen wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda iyo in ay qeyb libaaxa ka qaataan mashaariicda lagu horumarinayo dalka kuwaasoo qeyba ka mid ahi ay haatan ka billowdeen caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho .

Ma,uuliyiintii kulankaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa DR. Maxamad Cali Xaamud oo horey u soo noqday wasiirka arrimha dibadda Soomaliya, isagoona  sheegay in jaaliyadda Soomalida ee ku nool waddanka Australia laga doonayo in dawr muuqda ay ka qaataan  taageerada dawladda cusub ee soomaliya.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaasi ka hadashay Gen. maxamad Ibrahim Catoosh,oo horey u soo noqday wasiir ku xigeenka difaaca dawaladii soomaaliya,waxaana uu sheegay in soomaalida Austaralia loo baahan yahay in la arko taageerada ay u hayaan dawaladdooda.

Sidoo kale masuuliyiintii  ka hadashay goobta waxaa ka mid ahaa Dr  Cali nuur Ducaale iyo C/raxiim Cabdi Abiikar oo labaduba ka mid ahaa golihii wasiirada ee dawladdii uu hogaaminayay Dr c/wali Cali Gaas.

Ugu dambeynbtii waxaa gabagabdii kulankaasi ka hadlay Dr Yoonis Yaasiin  Xaashi oo isagu aha qunsulka soomaliya u fadhiya  waddanka Australia, isagoona ku dheeraaday ujeedada kulanka iyo in jaaliyadda looga baahan yahay in ay garab istaagaan dawladdooda isla mar ahaantaana ay ka qeyb qaataan dhismaha ka socda dalkii hooyo,Yoonis Yaasiin qunsulka soomaaliya u fadhiya Australia ayaa sheegay in kulankaan diiraddalagu saaray sidii si wadajir ah soomaalida ku nool Australia ay uga qeyb qadan lahaayeen dib udhiska dalkooda hooyo .

Kulankaani oo ka dhacay Rydges Hotel on Bell City ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.




Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya