4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Laba askari oo ku dhimatay Shaqaaqo Maanta ka dhacday Kismaayo

Jimco, August 30, 2013(HOL) — Laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Jubba State ee degmada Kismaayo ayaa maanta ku dhintay shaqaaqo dhexmartay ciidamada, taasoo ka dhalatay jaad la dhacay.

Shaqaaqadan oo ka dhacday Koontoroolka Baarcaleen ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay kaddib markii askar hubeysan ay dhac u geeysteen Jaad ay halkaasi ku qeybsanayeen ganacsato reer Kismaayo ah, waxaana ay arintaasi keentay in kooxihii dhaca geystay ay is rasaaseeyaan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka degmada Kismaayo.

Koontoroolka Baarcaleen ayaa ah halka uu kusoo dago Jaadka marka uu soo gaaro magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi aalaaba Jaadka ku qeybsada ganacsatada reer Kismaayo ee iibisa Jaadka.

“Israsaaseynta waxay u dhexeeysay ciidamo ka socday saldhigga magaalada Kismaayo oo lagu wargeliyay dhaca loo geystay Jaadka, iyo kuwii kale ee dhaca geeystay, laba askari ayaana ku dhimatay,” sidaa waxaa HOL u sheegay in goob-jooge ku sugnaa Baarcaleen.

Ma jiraan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba Sate oo ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana jawiga guud ee magaalada uu yahay xilligan mid deggen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya