4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Beel ka mid ah beelaha dega gobollada Jubbooyinka oo taageertay hishiiskii dhexmaray Dowladda Somali iyo Maamulka Jubba

Jimco, August 30, 2013(HOL) — Kulan maanta ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Sade ee degta gobollada Jubooyinka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba State ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Hilowle Aadan Maxamed  - oo horay xildhibaan uga soo noqday dowladihii kumeel gaarka ahaa - kana mid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay kulanka, ayaa sheegay in heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay maamulka Jubba State uu yahay mid ay si diirran usoo dhaweynayaan, wuxuuna xusay in dadaal dheer kaddib ay ku faraxsan yihiin in dowladda Soomaaliya aqoonsato maamulka Jubba State.

Kol. Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah siyaasiyiinta beesha Sade ee gobollada Jubooyinka ayaa isna guul ku tilmaamay heshiiska dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Jubba State, isagoona intaa ku daray in shacabka ku dhaqan Jubooyinka looga baahanyahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska gobolladan.

Mas'uulkan ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka uu u galay sidii xal looga gaari lahaa Is-fahan-waagii siyaasadeed ee u dhexeeyey dowladda iyo maamulka Jubbooyinka.

Waxgaradkii goobta ka hadlay ayaa dhamaantooda si isku mid ah u soo dhaweeyay heshiiska dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba State, waxayna sidoo kale ugu baaqeen guud ahaa shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka in ay muujiyaan taageeradooda ku aaddan heshiiska dhexmaray labada dhinac.

Siyaasi Axmed Maxamed Abuukar (Axmed Ugaas) - oo horay xildhibaan uga soo noqday dowladihii kumeel gaarka ahaa - ayaa ugu dambeyntii hadalka qaatay, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay heshiiska dhexmaray labada dhinac, isagoo si gaar ah  ugu mahadceliyay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu sheegay in ay kaalin muuqata ka qaateen dhismaha maamul goboleedka Jubba State.

“Waxaan rabaa inaan halkan uga mahadceliyo, dowlad goboleedka walaalaheen ah ee Puntland, oo taageero noo muujisay xilli aan u baahnayn garab, fahantayna in aynan dooneyn in Soomaali la googooyo, oo aan dooneeyno in dadka ku dhaqan gobolladan ay ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri.

Labo beri kahor ayay ahayd markii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ay heshiis ku kala sixiixdeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba State.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya