4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Xeradii 21-aad ee Ciidamada Xoogga oo Maanta dib loo furay iyo Ciidamada Ahlusunna oo ku biiray kuwa Dowladda (SAWIRRO)


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay xerada ciidamada xoogga dalka ee 21-aad oo ku taalla magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunta gobolka Gal-guduud ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay dhismaha xeradaas, waxaana xarigga ka jaray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa saraakiisha taliska ciidamada xoogga ee 21-aad, saraakiisha Ahlu-sunna Waljamaaca, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlusunna, Sheekh Ibraahim Shiikh Xasan (Guureeye) oo ugu horeyn madashaas ka hadlay, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ciidanka Ahlu-sunna Waljamaaca ay ka mid yihiin ciidamada xoogga dalka, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan hirgelinta nidaamka dowladnimo ee dalka.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif oo isaguna khudbad ka jeediyay munaasabaddan, ayaa ballan qaaday in taliska xoogga dalku uu dammaanad qaadayo bixinta xuquuqda ciidamada Ahlusunna ee maanta la midoobay kuwa xoogga dalka.

Jeneraalka ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay ciidamada degaya xeradani ay heli doonaan xannaano, qalab, taakuleyn, islamarkaana ay la xaq iyo waajib noqon doonaan ciidamada kale ee dalka.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada lagu xareynayo xeradaas 21-aad loogu magac daray (Cali Boobaaye II) magacaasoo ahaa midkii ay lahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee lagu aasaasay xoogga dalka, isagoo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib u dhiseyso xeradan, ciidanka Ahlusuunnana ay heli doonaan tababarro gudaha iyo dibadda ah si loo siiyo xuquuq la mid ah midda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Intaas kaddib, saraakiisha Ahlusunna ayaa abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ku wareejiyay gaadiid dagaal iyo ciidammo boqollaal gaaraya oo loogu talo galay in lagu daro ciidamada xoogga dalka si loo qalabeeyo.

Dib u furitaanka xeradan ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii ay dowladdu la gashay maamulka Ahlusunna Waljamaaca bishii Maarso ee sannadkan, waxayna noqonaysaa xero laga maamulo milateriga Soomaaliya ee ku sugan gobollada Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan, iyadoo xeradan oo aan muddo 20-sano ah shaqeyn loosoo magacaabi doono talis cusub.















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya