4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Dagaal ciidamada Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo muddo saacad ka badan socday ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoo la sheegayo inay dhinteen shan qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saqdii dhexe ee xalay ay weerar ku qaadeen degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, dabadeedna halkaas uu dagaal xooggani ka dhacay.

“Iskahorimaadku wuxuu ahaa mid culus dadka oo dhan waxay kusoo kaceen maqalka rasaasta fudud iyo midda culus, cabsi weyn ayaanna dareennay,” ayey tiri haweeney ku nool degmada Ceelbarde.

Wararka laga helayo saakay degmada Ceelbarde ayaa waxay sheegayaan in xaaladdu ay daggan tahay, ayna weli halkaas joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiiya, iyagoo aan weli ka hadlin dagaalka.

Dagaalkan ayaa wuxuu imaanyaa iyadoo maalmo ka hor ay dhinacyadani kala qabsadeen deegaanka Rabdhuurre oo ka tisran gobolka Bakool, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo kooban.

Gobolka Bakool ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay sida aadka ah isugu hayaan dowladda Soomaaliya - oo gacan ka helaysa ciidamada Itoobiya-  iyo Al-shabaab, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu la wareego maamulka guud ee gobolkaas.

Al-shabaab waxay maalmihii u dambeeyey waddey weerarro ay ku qaadayso deegaannada ay ciidamada dowladdu kaga sugan yihiin gobolka Bakool oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya