4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Hay’adda Amnesty International oo shaacisay in weli kufsiga haweenku uu si baahsan uga jiro xeryaha Barakacayaasha


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay maanta oo Jimco soo saartay in weli gudaha Soomaaliya uu si baahsan uga socdo kufsiga haweenka, iyadoo hay’addu ay xustay in ay jiraan dhibbaneyaal badan oo aan sheegin kufsiga loo geystay iyagoo ka baqaya inay ceeboobaan.

Sarkaalad dhinaca la-talinta dhibaatooyinka ah oo ka tirsan Amnesty oo lagu magacaabo, Donnatella Rovera ayaa sheegtay in weli kufsigu uu cabsi weyn ku hayo haweenka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha barakacayaasha, kuwaasoo ay ku jirto gabar 13-jir ah oo lagu kufsaday kaam Muqdisho ku yaal.

“Dhab ahaan laguma guuleysan karo in dhibaatooyinka galmada sharciga ka baxsan ee lagula kacayo haweenka iyo gabadhaha ku nool meelaha aanu ka jirin sharciga la xakameeyo, taasoo keentay in kufsiga uu si furan uga dhaco meelahaas,” ayay tiri Rovera.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sannadkii hore ee 2012 ayaa lagu sheegay in xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Soomaaliya ay ka dhaceen 1,700 oo kufsi. kuwaasoo 70% ay ahaayeen kuwo ay geysteen rag ku labisanaa dharka ciidamada xukuumadda.

“Dambiilayaashii falkaas geystay kuwo yar oo ka mid ah ayaa sharciga la hor keenay. Dhibbanayaasha kufsiga loo geystayna haddii ay sheegi lahaayeen in loo geystay kufsi waxay ka baqayaan in ay bulshada horteeda fadeexad kala kulmaan. Sidaa daraaddeed, marka la isku geeyo baqdinta ceebta ee dumarku ay qabaan iyo inaanay jirin kalsooni kiisaskaas lagu gudbin karo, waxay ka dhigan tahay in inta badan dhibbaneyaashu aysan booliiska u gudbin in la kufsaday,” ayay sarkaaladdu hadalkeeda ku dartay.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay xukuumadda waxaa looga baahan yahay inay ka hortagto haweenka dhibaatada loo geysanayo, kuwa geysanayana ay horkeento cadaaladda nooc walba oo ay yihiin.

Donnatella Rovera waxay sheegtay in haweenka kufsiga loo geysanayo ay yihiin kuwo ku nool guryo ka sameysan baco la isku xir-xiray oo leh albaab ka sameysan baco la isku kabay, kuwaasoo ay si fudud uga gudbi karaan kuwa dambiyada geysanaya, weerarradu inta badanna ay dhacaan habeenka marka la gaaro. Iyadoo xustay in hadalka ay u sheegtay haweeney haysata afar caruur ah.

“Waxay ii sheegtay in iyadoo carruurteeda la jiifta aqalkeeda bacaha ah uu nin u soo galay uuna ula soo baxay mindi, xilliguna uu ahaa habeen dhexaad. Wuxuu igu amray inaanan hadlin isagoo iigu goodiyay inuu i dilayo. Ilmaha waxay jiifeen meel dhabarkeeda ah. Wuu kufsaday, wuuna iska tagay. Waxay ii sheegtay inaysan cidna u sheegin, waayo waxay ka baqaysaa inay darisku ku sheekeystaan wixii ku dhacay, iyadoo xustay inay ku qoslayaan oo keliya ayna leeyihiin wax xun baa lagugu sameeyay,” ayay tiri Rovera.

Iyadoo sii hadlaysa ayey tiri: “Waa wax laga xumaado in taas oo kale ay ka dhacdo gobollada  ay dowladdu ka maamusho dalka, inkasta oo gobollada ay Al-shabaab ka taliso ay iyagana arintan oo kale ka dhacdo”

Ugu dambeyn, Donnatella Rovera waxay sheegtay in haddii xukuumaddu aysan sharciga horkeenin kuwa dambiyadaas galay; ay imaan doonto in haween badan oo hadda bad qaba ay la kulmi doonaan dhibaatooyinkaas oo kale. Waxayna sidoo kale xustay in dhibbanayaasha oo aan sheegan karin dhibkii loo geystay ay horseedi karto in uu dambiga kufsigu sii socdo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin hadalka ku saabsan in kufsigu uu weli ka jiro xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, inkastoo mas'uuliyiinta dowladdu ay dhowr jeer oo hore beeniyeen in ciidamadoodu ay ku lug leeyihiin kufsiga ka dhaca xeryaha barakacayaasha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya