4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Weriyeyaal ka Tirsan TV-ga Channel-4 oo Shalay Muddo Kooban Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland lagu xiray
Jimce, Agoosto 30, 2013 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig muddo saacado ah shalay loogu geystey magaalada Garoowe labo kamid ah weriyeyaasha TV-ga caalamiga ah ee Channel-4 oo laga leeyahay dalka Britain.Weriyeyaasha la xiray oo muddo shan maalmood ah Garoowe ku sugnaa ayaa kala ah  Jamaal Maxamed Cismaan iyo filim-qaade Axmed Faarax.

Labadan weriye ayaa lagu xiray saldhigga dhexe ee booliska Garoowe, inkasta oo saacado kaddib dib xorriyadooda loo siiyey, loona ogolaaday inay sii wataan barnaamij ka hadlaya arrimaha burcad-badeedka oo ay maalmihii u dambeeyey diyaarintiisa ku howlanaayeen.

Ururka suxifiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP ayaa arrintan aad u cambaareeyey, kuna tilmaamay mid xad gudub ku ah xuquuqda saxaafadda. Xog-hayaha guud ee ururka Burhaan Axmed Daahir oo ka hadlayey shir jaraa'id oo shalay ay ku qabteen Garoowe, ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin.

"Weriyeyaashu ogolaansho rasmi ah ayey ka haysteen wasaaradda war-faafinta ee Puntland, qaab sharci ah ayeyna dalka kusoo galeen, marka ma fahmi karno waxa keenay in sidan loola dhaqmo..." Burhaan Axmed Daahir ayaa yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: " waan isku daynay in xal loo helo khilaaf soo kala dhex gala wasaaradda war-faafinta iyo war-bahinta, umase muuqato in wax hagaagayaan...".

Weriye Jamaal oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xarigga loo geystey, isagoo xusay in dunida meelo badan uu ka shaqeeyey islamarkaana aysan dhicin in marna la xiro. Jamaal hadaladiisii waxaa kamid ahaa "dunida waxan kasoo shaqeeyey meelo badan oo kala duwan, waligeyna layma xiran. Ilaa iyo hadda ma fahmin sababta la ii xiray..."

Weriye Jamaal Maxamed Cismaan ayaa kamid ah weriyeyaasha ugu magaca dheer kuwa Soomaalida, wuxuuna helay abaal marino caalami ah, kuwaasoo intooda badan lagu siiyey war-bixino uu ka diyaariyey dalka, iyadoo tii ugu dambeysey ay ahayd mid uu ka diyaariyey sida ay u shaqeeyaan hay'adaha garsoorka ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland