3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo sheegtay inay qabqabteen xubno Al-shabaab ka tirsan oo Soomaali iyo Ajnabi isugu jira

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegay in howgal ay ka sameeyeen hoteello ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

Howl-galladan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayay sheegeen ciidamadu inay si xeeladeysan ku  galeen hoteello yaryar oo ku yaalla suuqa Bakaaraha ayna kusoo qabqabteen 27-qof oo ka tirsan Al-shabaab mid ka mid ahina uu yahay ajnebi.

“Ciidamadu waxay ka warheleen in hoteelada ay baaritaanka ku sameeyeen ay ku sugnaayeen xubnaha lasoo qabqabtay, waxayna ku jireen howlo ay ku doonayaan inay qaraxyo uga geystay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri sarkal ka tisran ha’yadda nabadsugidda Qaranka.

Xubnahan la sheegy inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa lagu soo waramayaa in lagu wado baaritaanno dheeraad ah. Hay'adda nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadu ay gacanta kusoo dhigeen qalab ay dadka lasoo qabqabtay wateen.

Howl-galladan waxaa horkacayay taliyaha nabad-sugidda gobolka Banaadir, Col. Maxamed Aadan Koofi iyo saraakiil kaloo ka tirsan hay’adda. Hawl-galkan ayaa qayb ka ah kuwo maalmihii ugu dambeeyay si xowli ah uga soconayay magaalada Muqdisho.

Dhawaanahan waxaa ka dhacayay gudaha suuqa bakaaraha falal dilal ah oo lala bar-tilmaameedsanayey ciidamada dowladda, kuwaasoo saraakiisha ammaanku ay ku eedeeyeen xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arinta dadkan la qabqabtay ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab, sidoo kale hay'adda nabad-sugiddu faahfaahin kama bixin dhalashada qofka la sheegay in uu ajnebiga yahay ee ku jira 27-da qof ee xalay Muqdisho lagu qabtay.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/30/2013 2:22 PM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) — Laba askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubba State ee degmada Kismaayo ayaa maanta ku dhimatay shaqaaqo dhexmaray ciidamada dhexdooda, taasoo ka dhalatay jaad la dhacay.

8/30/2013 2:06 PM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) — Kulan maanta ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Sade ee degta gobollada Jubooyinka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba State ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

8/30/2013 12:52 PM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay xerada ciidamada xoogga dalka ee 21-aad oo ku taalla magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay dhismaha xeradaas, waxaana xariga ka jaray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

8/30/2013 12:51 PM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo u dhoofay dalka Sucuudiga halkaasoo la sheegay inuu u tagay cimro iyo ka qaybgalka shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacayay magaalada Riyadh ee xarunta dalkaas.

8/30/2013 9:13 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay maanta oo Jimco soo saartay in weli gudaha Soomaaliya uu si baahsan uga socdo kufsiga haweenka, iyadoo hay’addu ay xustay inay jiraan dhibbanayaal badan oo aan sheegin kufsiga loo geystay iyagoo ka baqaya inay ceeboobaan.

8/30/2013 8:29 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amniga Muqdisho iyo dagaallada ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-shabaab kaga hadlay maanta hadal uu shacabka Soomaaliyeed uga jeediyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda isagoo ka warbixinayay waxqabadkii dowladdiisa oo hal sano ay u buuxsamayso bisha soo socota ee September.

8/30/2013 7:31 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar shaqo oo qaatay muddo toddobaad ka badan oo ay ku tagay dalka Shiinaha ayaa ka sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay garoonka in Shiinuhu uu mashaariic badan oo dib-u-dhis ah ka billaabayo Soomaaliya.

8/30/2013 7:00 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, ayna kamid ahaayeen, duqa degmada Beledweyn, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa kormeer ku tegey deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

8/30/2013 6:28 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray.

8/30/2013 3:44 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxwene ku-xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire oo booqday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Taleex ayaa u sheegay ciidamadii ku suganaa xeradaas in la tayayn doono.

8/30/2013 3:38 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Diyaarad nuuceedu ahaa Boeing 747 oo u kireysnayd shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo garoonka Muqdisho lagu wareejin doono si ay dib u dhis ugu sameyso, diyaaraddan ayaan muddo ku dhow 20-sano kusoo deign garoonka diyaaradaha Muqdisho.

8/30/2013 3:19 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud kusoo bandhigtay Khamiistii shalay ciidammo ay tababar u soo xirtay xoogag ka tirsan ciidamadeeda oo bilihii lasoo dhaafay uu tababar u socday.

8/30/2013 2:55 AM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) :- Tababarkani oo soconayay muddo laba maalin ah ayaa waxaa haween gaaraya boqol ruux u qabtey ha`yadda Samafalka SADO oo ka shaqeysa horuumarinta arrimaha bulshada, waxaana hay`addan ay ka howlgashaa goballada Bay, Gedo, Jubbooyinka iyo Galgaduud.

8/30/2013 2:26 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Howlgallo baaritaanno ah oo boqollaal lagu qabqabtay ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa oo xalay uu dhacay iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

8/30/2013 2:16 AM EST
Jimce, August 30, 2013 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig muddo saacado ah shalay loogu geystey magaalada Garoowe labo kamid ah weriyeyaasha TV-ga caalamiga ah ee Channel-4 oo laga leeyahay dalka Britain.Weriyeyaasha la xiray oo muddo shan maalmood ah Garoowe ku sugnaa ayaa kala ah Jamaal Maxamed Cismaan iyo filim-qaade Axmed Faarax.

8/30/2013 2:02 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo muddo saacad ka badan socday ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoo la sheegayo inay dhinteen shan qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay.