4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay ammaanka Muqdisho iyo dagaalka ay Ciidamadda Dowladdu kula jiraan Al-shabaab


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amniga Muqdisho iyo dagaallada ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-shabaab kaga hadlay maanta hadal uu shacabka Soomaaliyeed uga jeediyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda isagoo ka warbixinayay waxqabadkii dowladdiisa oo hal sano ay u buuxsamayso bisha soo socota ee September.

Xasan Sheekh ayaa qiray in amni-darri ay ka jirto degmooyinka Muqdisho qaarkood, balse wuxuu sheegay inay dowladdu doonayso in laga gudbo cabsida ayna socdaan qorshayaal la doonayo inay wasaaradaha xukuumaddu uga howlgalaan degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan.

“Dowladdu waxay waddaa qorshe ay ku doonayso sidii wasaaradaha loogu baahin lahaa degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan, waxaana socda dib u dayactir lagu sameynayo wasaaradaha qaarkood,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in ciidamada dowladda aysan iyaga oo keliya howlgal dalka ka sameyn karin, iyadoo AMISOM aysan ogolaan in howlgalkaas la galo, taasoo uu ku macneeyay in ciidamada dowladdu ay ku tiirsan yihiin AMISOM oo ayna ka helaan hubka ay ku dagaalamaan.

“Arrinta aan rabo inay shacabka Soomaaliyeed ogaadaan oo ah mid aad u qaraar badan waa in ciidamada dowladda aysan keligood howlgal sameyn karin iyadoo AMISOM aysan ogolaan in howlgalkaas la galo, waayo waxay ku xiran yihiin ciidamada Midowga Afrika oo dhinaca hubka ka taageerayay tan iyo markii ay dalka yimaadeen. Markii cunno-qabteynta hubka laga qaaday Somalia waxaan weydiisannay dalal badan oo caalamka ku yaalla inay dowladda ku taageeraan saanad ciidan taasna weli nama soo gaarin,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Bambooyinka ay Al-shabaab tuurayaan nagama harayaan mudana way sii socon doonaan, balse waxaa naga go’an inaan dalka oo dhan ka saarno Al-shabaab iyo xulufooyinkooda inta taas laga gaarayana howlgalladu waa socon doonaan.

“Dagaalka lagula jiro Al-shabaab waa mid caalami ah, waxaana dowladdy qorsheynaysaa inay soo af-jarto dhawaan, lana wayn doono goob la yiraah Al-shabaab ayaa ka talisa,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in laga doonayo  shacabka Soomaaliyeed inay ciidamada ammaanka ku gacan-siiyaan sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen si loo hirgeliyo qorshayaasha ammaanka dalka lagu sugayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya