4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Qaar kamid ah Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo Shalay kormeer ku tegey Deegaanno ka Tirsan Gobolka [SAWIRRO]


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, ayna kamid ahaayeen, duqa degmada Beledweyn, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa kormeer ku tegey deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Gaar ahaan mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada waxaa ay booqasho ku tageen deegaanka Deefoow oo 30-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne, halkaa oo ay dhawaan ku dagaallameen maleeshiyaad kasoo kala jeeda labo beellood oo halkaas wada deggan.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda labada beelood ayaa warbixin kooban ka siiyay mas'uuliyiinta maamulka xaaladda deegaanka, iyaga oo sheegay in khilaafka labada beelood ee gacan ka hadalka keenay uu ka dhashay muran la xiriira dhul beereed iyo balliyada laga cabo, kaa oo sababay dhimashada dad  gaaraya ilaa shan ruux.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlayay odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa mar kale ku celiyay in maamulka uu hogaamiyo aysan sinaba u aqbali doonin in wax aan micno weyn lahayn dhiig lagu daadiyo, isaga oo intaas raaciyey in khilaaf kasta oo jira la dhameyn karo haddii miiska wada-hadalka lasoo wada fariisto.

“Mar kale ayaan ku celinayaa bulshada ku dhaqan gobolkan Hiiraan annaga waxaan ka rabnaa in ay nabad ku wada noolaadaan, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in ay si micno darro ah dhiig u daadiso, khilaaf kasta oo jira waa laga wada hadlayaa si nabad ah ayaana lagu dhameyn karaa, sidaa daraadeed waxgaradka iyo odayaasha labada beelood waa inay u istaagaan sidii ay nabadda uga shaqeyn lahaayeen, ma aqbaleyno dagaal danbe iyo dad dhinta,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay waxgaradka labada beelood in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u hor tagaan cadaaladda si sharci ahna u dhameeyaan khilaafka ka dhaxeeya, laakiin waxaa uu ka digay dagaal danbe oo deegaanka ka dhaca.

“Dhulkan waa dhul dowladeed, beel iyo koox gaar u leh ma jirto, waxaan rabnaa annaga in si wanaagsan looga wada faa'iideysto, mas'uuliyad ayaa na saaran mana ogolaan doonno in dagaal danbe uu dhaco,'' ayuu yiri guddoomiyahu.

Sidoo kale, mas'uuliyiinta maamulka gobolka ayaa waqti kooban la hadlay bulshada ku dhaqan deegaannada Ceel-gaal iyo Kabxaley iyaga oo ku booriyay in laga wada shaqeeyo amniga, meelna looga soo wada jeesto wax kasta oo nabadgelyada wax u dhimi kara.

Dhowaan ayey aheyd markii deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan uu dagaal ku dhaxmaray labo beelood oo halkaas wada dega. Dagaalkaas oo ay dhowr qof oo labada dhinac ka kala tirsani ku geeriyoodeen, wuxuu  ka bilowday muran la xiriira dhul-beereed iyo goobo biyo-fariisin leh oo laysku qabsaday.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya