8/18/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladdu Waxay ku Howlan tahay sidii ay Wadahadallo ula furi lahayd Puntland"


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wada-hadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladdu kula saxiixatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maamulkii hore ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay qayb ka tahay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dib-u-heshiisiinta.

"Waxaan aad uga xunnahay hadalkii kasoo yeeray mas'uuliyiinta Puntland qaar ka mid ah, iyadoo la xusuuto in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta, kuna bixiyeen dadaal badan iyo maal, mana garan karo sababta hadalkaas ka keentay, balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wada-hadal kula furmo si khilaafka jira aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay horay u muujisay sida ay raalli uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

“Bani aadam ayaan nahay waana macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaa, annaguna waxaan ku dadaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay dowladda,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Puntland ayaa toddobaadyo kahor ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeysey arrimo kala duwan, kuwaasoo ay qayb ka yihiin wax ka badalka dastuurka dalka, iyadoo war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland lagu sheegay in ilaa cabashadooda la xalliyo aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelanayn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu shalay sheegay inay dowladda dhexe ee Soomaaliya kasoo horjeeddo hirgelinta nidaamka federaaliisimka ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay in federaalka lagu baahiyo dalka oo dhan, wararka sheegaya in dowladdu ay ka soo horjeeddana ay yihiin kuwo been ah oo la doonayo in shacabka jiho-wareer lagu geliyo, isagoo xusay in dadka hadalladaas sheegay looga baahan inay ra'yigooda caddeeyaan.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray Arbacadii lasoo dhaafay, ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirar dib-u-heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan Muqdisho iyo Kismaayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiskii Addis Abaha ayaa yiri: "Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid; iyadoo dowladdu wax badan ka tanaasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa. Heshiiskaas waa mid bilow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo, dowladduna waxay diyaar u tahay inay ka hor tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegaannadaas."

Heshiiska ay dowladda iyo maamulkii Jubbooyinka ku gaareen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in la sameeyo maamul KMG ah oo muddo laba sano ah ka taliyanaya deegaannadaas, kaasoo uu hoggaamin doono Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/30/2013 2:22 PM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) — Laba askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubba State ee degmada Kismaayo ayaa maanta ku dhimatay shaqaaqo dhexmaray ciidamada dhexdooda, taasoo ka dhalatay jaad la dhacay.

8/30/2013 2:06 PM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) — Kulan maanta ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, islamarkaana ay kasoo qeybgaleen Siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda beesha Sade ee degta gobollada Jubooyinka ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba State ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

8/30/2013 12:52 PM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo dib loogu furayay xerada ciidamada xoogga dalka ee 21-aad oo ku taalla magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay dhismaha xeradaas, waxaana xariga ka jaray abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

8/30/2013 12:51 PM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo u dhoofay dalka Sucuudiga halkaasoo la sheegay inuu u tagay cimro iyo ka qaybgalka shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacayay magaalada Riyadh ee xarunta dalkaas.

8/30/2013 9:13 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixin ay maanta oo Jimco soo saartay in weli gudaha Soomaaliya uu si baahsan uga socdo kufsiga haweenka, iyadoo hay’addu ay xustay inay jiraan dhibbanayaal badan oo aan sheegin kufsiga loo geystay iyagoo ka baqaya inay ceeboobaan.

8/30/2013 8:29 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amniga Muqdisho iyo dagaallada ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-shabaab kaga hadlay maanta hadal uu shacabka Soomaaliyeed uga jeediyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda isagoo ka warbixinayay waxqabadkii dowladdiisa oo hal sano ay u buuxsamayso bisha soo socota ee September.

8/30/2013 7:31 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar shaqo oo qaatay muddo toddobaad ka badan oo ay ku tagay dalka Shiinaha ayaa ka sheegtay shir jaraa'id oo ay ku qabatay garoonka in Shiinuhu uu mashaariic badan oo dib-u-dhis ah ka billaabayo Soomaaliya.

8/30/2013 7:00 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo, ayna kamid ahaayeen, duqa degmada Beledweyn, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa kormeer ku tegey deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

8/30/2013 3:55 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa sheegay in howgalka ay ka sameeyeen hoteello ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

8/30/2013 3:44 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxwene ku-xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire oo booqday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Taleex ayaa u sheegay ciidamadii ku suganaa xeradaas in la tayayn doono.

8/30/2013 3:38 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Diyaarad nuuceedu ahaa Boeing 747 oo u kireysnayd shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo garoonka Muqdisho lagu wareejin doono si ay dib u dhis ugu sameyso, diyaaraddan ayaan muddo ku dhow 20-sano kusoo deign garoonka diyaaradaha Muqdisho.

8/30/2013 3:19 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud kusoo bandhigtay Khamiistii shalay ciidammo ay tababar u soo xirtay xoogag ka tirsan ciidamadeeda oo bilihii lasoo dhaafay uu tababar u socday.

8/30/2013 2:55 AM EST
Jimco, August 30, 2013(HOL) :- Tababarkani oo soconayay muddo laba maalin ah ayaa waxaa haween gaaraya boqol ruux u qabtey ha`yadda Samafalka SADO oo ka shaqeysa horuumarinta arrimaha bulshada, waxaana hay`addan ay ka howlgashaa goballada Bay, Gedo, Jubbooyinka iyo Galgaduud.

8/30/2013 2:26 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Howlgallo baaritaanno ah oo boqollaal lagu qabqabtay ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM saakay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa oo xalay uu dhacay iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

8/30/2013 2:16 AM EST
Jimce, August 30, 2013 (HOL) — Ururka suxufiyiinta Puntland ayaa cambaareeyey xarig muddo saacado ah shalay loogu geystey magaalada Garoowe labo kamid ah weriyeyaasha TV-ga caalamiga ah ee Channel-4 oo laga leeyahay dalka Britain.Weriyeyaasha la xiray oo muddo shan maalmood ah Garoowe ku sugnaa ayaa kala ah Jamaal Maxamed Cismaan iyo filim-qaade Axmed Faarax.

8/30/2013 2:02 AM EST
Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo muddo saacad ka badan socday ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, iyadoo la sheegayo inay dhinteen shan qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaallamay.