4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 30, 2013
Diyaarad xamuul oo aad u weyn oo muddo 20-sano ah kaddib kusoo dagtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa saaka kasoo degtey diyaarad nooceedu ahaa Boeing 747 oo u kireysnayd shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo garoonka Muqdisho lagu wareejin doono si ay dib u dhis ugu sameyso. Diyaarad noocan ah ayaan muddo ku dhow 20-sano kusoo deign garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Xamuulka diyaaraddan saarnaa ayaa wuxuu culeyskiisu ahaa 70 tan oo ah qalabkii ay ku shaqeyn lahayd shirkadda la wareegaysa howlaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde.

“Garoonka Muqdisho waxaa ugu dambeysay in diyaarad noocan oo kale ahi ay kusoo degto sannadkii 1994-kii markaasoo ay joogtay UNOSOM II, ” ayuu yiri mareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya, Inj. Cali Maxamuud Ibraahim.

Sidoo kale, Inj. Cali ayaa sheegay in soo dagista diyaaraddani ay muhiimad gaar ah u leedahay dowladda Soomaaliyaa, maadaama ay tahay markii ugu horreysay muddo 20 sano ku dhow oo diyaarad xamuul ah oo nooceedu uu sidan yahay ay kusoo dagto garoonka.

Inj. Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la dayactiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, loona sameeyo baakinno badan maadaama ay si aad ah u soo kordhayaan duulimaadyada imaanaya garoonka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda laga leeyahay Turkiga ee lagu wareejinayo maamulka garoonka Muqdisho ay dib u dhisi doonto guud ahaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayna ka dhigayso mid caalami ah.

Gegida diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay maamulaysay shirkad lagu magacaabo SKA Air & Logistic, iyadoo dowladdu ay go’aan ku gaartay in laga wareejiyo laguna wareejiyo shirkaddan Turkiga laga leeyahay.

Turkiga ayaa waxa kaga sugan Soomaaliya hay’ado fara badan iyo shirkado ka shaqeynaya dib u dhiska Soomaaliya iyo howlo ay ka mid yihiin caafimaadka dadweynaha iyo waxbarashada caruurta Soomaaliyeed.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya