4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Booliiska Magaalada Boosaaso oo helay Meydka Nin shan bilood ka hor lagu dilay mindi gurigiisana lagu dhex aasay (SAWIRRO)

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Booliska magaalada Boosaaso ayaa maanta helay meydka nin la diley shan bilood kahor, kaas oo meydkiisa la jarjaray kadibna inta jawaan lagu ridey lagu xabaalay isla gurigii uu magaalada Boosaaso ka degenaa.

Taliyaha saldhigga booliska ee xaafadda Baalade Siciid Cali Ibraahim oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in boolisku ay arrintan muddo dheer baaritaan ku wadeen.

Wuxuuna intaas raaciyey in falkaas  ay u qabteen saddex qof oo midkood ay haweeney tahay. Haweeneyda oo lagu magacaabo Iftin Maxamed ayaa ahayd xaaska ninka la diley oo isna lagu magacaabi jirey  Maxamed Bashiir.


Haweeneyda lagu eedeeyay in ay dishay ninkeeda


Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ninka geeriyoodey eheladiisu ay booliska soo wargeliyeen dhowr todobaad kaddib markii la waayey, wuxuu sidoo kale xusay in ninka la diley iyo kuwa dilka geystey dhamaantood ay kasoo jeedaan qowmiyadda Oromada.

Qaar kamid ah eedeysaneyaasha ayaa qirtay in ay qayb ka qaateen falkan oo ay dadka magaalada Boosaaso aad uga argagaxeen , waxaana dhowaan lasoo taagi doonaa maxkamad sida uu taliyaha booliska xaafadda Baalade sheegay.

Nov 6, 2012 ayey ahayd markii sidan oo kale mid kamid ah kaamamka barakacayaasha ee magaalada Boosaaso loogu arkay meydka nin xubnihiisa la jarjaray, inkastoo saacado kaddib lagu guuleystey in la qabto gacan ku dhiiglihii falkaas foosha xun geystey oo kan la diley ay saaxiibo ahaayeen.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland