4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Maamulka KMG ah ee Jubba oo sheegay inay bilaabayaan howlgallo ay kula Wareegayaan Deegaannada Jubbooyinka

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay la wareegaan deegaannada gacantooda ka maqan ee ka tirsan Jubbooyinka kuwaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada maamulka Jubba, Maxamuud Qaalib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay socdaan abaabullo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ay ka taliso Al-shabaab ee Jubbooyinka ku yaalla.

“Ciidamada maamulka waxaa laga saaray magaalada, qorshuhuna waa inaan billowno howlgallo aan kula wareegayno deegaannada gacanteenna ka maqan,” ayuu yiri Qaalib oo aan sheegin xilliga ay howgalka billaabayaan.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Jubba ayaa sheegay in qorshayaasha ay ku qaadayaan howlgallada ay muddo soo socdeen, isagoo sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga saaraan Al-shabaab goobaha ay hadda ka taliso.

Xarakada Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno ka tirsan badan oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka, iyadoo gobolka Jubbada dhexe ay gabi ahaantiisa gacanta ku hayso Al-shabaab oo dagaal looga saaray Kismaayo sannadkii hore.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa wuxuu bishii Ogoosto ee sannadkan heshiis kula galay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dowladda Soomaaliya, inkastoo hoggaamiyaha maamulka KMG Jubba Sheekh Axmed Madoobe uu dhawaan ka sheegay Kismaayo inuusan ka qaybgalay shir bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa loo turjumay khilaaf cusub oo soo dhexglaya dowladda iyo maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin hadalkii uu dhawaan ku sheegay hoggaamiyaha Jubba inuusan ka qaybgalayn shirka dowladdu qabanqaabinayso.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba ayaa horay u sheegay inay dagaal la geli doonaan Al-shabaab si ay uga saaraan goobaha ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya