4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika, kaddib markii Kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen gaari uu watay

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ganacsade Soomaaliyeed ayaa lagu dilay waddanka Koonfur Afrika khamiistii shalay, kaddib markii kooxo burcad ay raasas ku fureen gaari uu watay, iyadoo ganacsadahan lagu aasay duleedka Cape-town.

Cosobow Cabdulle oo ka mida h ganacsatada Soomaaliyeed oo ka qaybgalay aaska marxuumkan ayaa sheegay in ganacsatada la dilay lagu magacaabi jiray, Axmed Xasan Yuusuf.

“Burcad hubeysan ayaa toogtay Axmed Xasan isagoo ka yimid dukaankiisii kuna socday gurigiisa, mana jirto wax ay ka qaateen, lamana oga sababta loo dilay,” ayuu yiri Cosobow Cabdulle.

Sidoo kale, ganacsadahan ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan markii ay dilka geysteen ay baxsadeen, wuxuuna xusay in maydka ay iyagu kasoo qaadeen halkii lagu dilay dhowr saacadoo kaddib.

“Marxuumku wuxuu dukaan ku lahaa xaafad ku taalla magaalada Capetown, wuxuuna dalka ku sugnaa muddo sannado ah, runtiina dilkiisa wuxuu ka mid yahay dilalka iyo dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida dalkan ku nool,” ayuu hadalkiisa ku daray Cosobow.

Ganacsadahan la dilay ayaa wuxuu noqonayaa ganacsadihii ugu dambeeyay oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika, iyadoo bilihii ugu dambeeyay lagu dilay dalkaas in ka badan toban ganacsade oo qaarkood lagu weeraray dukaamo ay lahaayeen.

Cosobow Cabdulle oo sii hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban dilalka loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

“Dhibaato badan ayaa naloo geystaan, dhowr jeer ayaan maxkamadaha iyo saldhiygada booliiska ka dacwoonnay innagoo codsanay in wax laga qabto burcadda dilalka u geysanaya, balse ma jirto wax laga qabatay,” ayuu mar kale yiri Cosobow.

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay boqolaal qof oo u badan ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu weeraray dukaammo ay ku leeyihiin duleedyada magaalooyinka waaweyn ee dalkaas iyo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya