3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Mid ka mid ah Baallayaasha Qorraxda ku Shaqeeya ee ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama oo Saakay Qarax lagu burburiyay

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Qarax miino ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu burburiyay mid ka mid ah baallayaasha cad-ceedda ku shaqeeya oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu mashquulka badan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Inkastoo qaraxan uusan geysan wax khasaare nafeed ah ayaa wuxuu dhulka la simay baallaha, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay qaraxan iyo cid sheegtay inay mas’uul ka tahay.

“Saakay waaberigii hore ayaan waxaan maqalnay qarax weyn, markii aan u dhaqaaqnay halkii uu ka dhacay waxaan aragnay baalle ka mid ah kuwa ku shaqeeya cad-ceedda oo dhulka yaalla,” ayuu yiri goobjooge warbaahinta la hadlay.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa markiiba goobta uu ka dhacay qaraxa, iyagoo sameeyay baaritaanno aysan cidna ku soo qaban, iyadoo dadka goobjoogayaasha ah ay sheegayaan in qaraxa uu u ekaa mid xalay lagu xiray baallaha.

Qaraxan lagu burburiyay baallahan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay xukuumadda Soomaaliya sheegtay in ammaanka Muqdihso uu yahay mid la isku halleyn karo, ayna hay’adaha amnigu soo qabqabteen xubno doonayay inay falal ammaan-darro ka geystaan Muqdisho.

Waddada Maka Al-Mukarama ayaa midda ugu mashquulka badan iyadoo ay xilliyada habeenkii ahna ilaaliyaan ciidammo gaar ah, balse lama oga sida ay ugu suuro-gashay kooxaha weerarka ka dambeeyay inay miino ku xiraan mid ka mid ah baallayaasha cad-ceedda ku shaqeeya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay falkan Al-shabaab, inkastoo aysan Al-shabaab ka hadlin qaraxan lagu bartilmaameedsaday ballahan ka mid ah kuwa ku shaqeeya cad-ceedda.

Toban baalle ayaa tan iyo markii maamulka gobolka Banaadir uu hirgeliyay baallayaashan cusub la qarxiyay, kuwaasoo intooda badan ku yaalla jidka soddonka oo ka mid ah jidadka ugu waaweyn magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/18/2013 2:35 PM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsanaa sida ay ula xisaabtami karaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minneapolis xubnaha ay doortaan ayna uga qeyb-gali karaan doorashooyinka, gor-gortana ay ula geli karaan musharaxiinta u kala tartameysa cododkooda ayaa maanta ka dhacay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

10/18/2013 1:25 PM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Booliska magaalada Boosaaso ayaa maanta helay meydka nin la diley shan bilood kahor, kaas oo meydkiisa la jarjaray kadibna inta jawaan lagu ridey lagu xabaalay isla gurigii uu magaalada Boosaaso ka degenaa.

10/18/2013 1:07 PM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah dhallinyarada kasoo jeeda Turkiga ee ka shaqeeya hay’adaha samafalka Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta guursaday gabar Soomaaliyeed, guurkan oo noqonaya xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca guurka ah oo dhexmara shacabka Turkiga iyo kuwa Soomaaliyeed.

10/18/2013 12:53 PM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Hay’adda Somali Relief Network of North America oo fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa waxay deeq hilib ah waxay ugu qaybisay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose qoys dan yar ah oo tiradoodu gaarayso 2,298, kuwaasoo isugu jiray haween, carruur iyo waayeel.

10/18/2013 11:50 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Bil kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen dhimasha ganacsi ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa waxaa kordhaya hanjabaadaha ay Al-shabaab u jeedinayso dalalka Bariga Afrika iyo kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

10/18/2013 11:07 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Saraakiil ka socoday wasaaradaha gaashaandhigga dalalka Barriga Afrika ayaa maanta tababar loogu soo gaba-gabeeyay machad ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

10/18/2013 10:16 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanayo oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay beellaha ku dagaallamaya deegaanka Kabxanley oo 25-km dhinaca W/galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne.

10/18/2013 10:04 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyihiin hore ee maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Africa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne oo uu dib ugu soo laabtay maanta ayaa hadllay arrimaha doorashada iyo baaq nabadeed oo uu u jeediyay beelaha ku dagaallamay deegaannka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

10/18/2013 6:41 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa laga furay madxafkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo dalka dibaddiisa laga furo, kaasoo lagu soo bandhigi doono alaabaha ay Soomaalidu u leedahay dhaqanka iyo hidaha.

10/18/2013 6:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ruux Somali ah oo haysta dhalashada dalka Norway ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasoo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cabdi Dhuxuloow.

10/18/2013 6:11 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa sheegay inay heleen calaamado muujinaya in Al-shabaab ay doonayso inay weerarro argagaxiso ka geysato dalkooda, kaddib markii maalmo ka hor ay safaaradda Mareykanka ee Uganda ka digtay weerarro argagaxiso oo ka dhaca dlaka Uganda.

10/18/2013 5:39 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Magaalada Hargeysa ayaa si weyn looga xusay maalinta shuhadadda SNM oo sanad walba bishan Octobar 17 keedda la xuso, taas oo lagu xasuustii intii ka dhimatay xoogaga SNM mudadii ay dagaalka ku jireen.

10/18/2013 4:48 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Ganacsade Soomaaliyeed ayaa lagu dilay waddanka Koonfur Afrika khamiistii shalay, kaddib markii kooxo burcad ay raasas ku fureen gaari uu watay, iyadoo ganacsadahan lagu aasay duleedka Cape-town.

10/18/2013 4:37 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaray deegaannka Kabxanley ee 25-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya beello in mudo ahba khilaaf ka dhaxeeyay.

10/18/2013 4:35 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay la wareegaan deegaannada gacantooda ka maqan ee ka tirsan Jubbooyinka kuwaasoo ay ka taliso Al-shabaab.

10/18/2013 4:17 AM EST
Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inuusan guri ka dhisi karin Muqdisho Injineer aan ruqsad ka haysan dowladda hoose ee Muqdisho.