4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2013
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay doorashada Maamulka Gobolka isagoo jeediyay baaq nabadeed

Jimco, Oktoobar 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyihiin hore ee maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Africa oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne oo uu dib ugu soo laabtay maanta ayaa hadllay arrimaha doorashada iyo baaq nabadeed oo uu u jeediyay beelaha ku dagaallamay deegaannka Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

C/fitaax ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha socda ee la doonayo in markii ugu horeysay gobolka Hiiraan looga hergaliyo maamul ku dhisma hab doorasho ah oo bulshadu kaalin ku yeellan doonto.

“Sida aan la soctaan waxaa socda qorshe la doonayo in lagu dhiso maamul bulshadu soo doorato oo aan aheyn mid la soo magacaabayo, siweyn ayaan arintaa u soo dhaweynayaa, waana ku kalsoonahay in ay doorashadaas qabsoomi doonto,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Laakiin ma uusan sheegin  in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha iyo in kale, hasse ahatee waxaa uu sheegay in mar danbe uu ka hadlli doono mowqifkiisa dhabta ah ee ku aadan arintaa iyada ah.

Dhinaca kale, C/fitaax Xassan Afrax ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaannka Kabxaley ee gobolka Hiiraan, isaga oo baaq nabadeed u jeediyay beellaha dirirtu u dhaxeyso.

“Baaq nabadeed ayaa u dirrayaan beelaha ku dagaallamay Kabxanley, waxaan leeyahay colaada nabad ku badalla, una dhaga-nuglada dadaalada nabadeed ee socda,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Africa.

Dib u soo laabashada guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegantay xili magaalada Beledweyne ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo diyaar-garoow loogu jiro doorashada maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya