4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo si Diirran u soo Dhaweeyay Go’aankii Soomaaliya looga qaaday Cunno-qabteynta hubka


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida diirran u soo dhaweynaya go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunno-qabteynta hubka kaga qaaday dowladda Soomaaliya.

 “Waxaa jira xisaabtan iyo mas’uuliyad la socota go’aankaas Golaha Ammaanka, go’aankooda wuxuu si sax ah ula socdaa isbedelka siyasadeed ee cusub ee ka jira Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintan ka hadlay.

Cunno-qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya oo KMG ah ayaa waxay soconaysaa muddo hal sano ah, waxaana loogu ogolaaday dowladda Soomaaliya inay kusoo iibsato hubka fudud oo keliya.

“Kumannaan ciidamadda xooga dalka ah oo ay soo tababareen dalalka aan saaxibbada nahay ayaa Soomaaliya dib ugu soo laabtay, nasiib-darro qalab la’aan ayaa caqabad ku noqotay si ay howshooda u gutaan. Ciidamadan ayaa si wadajir ah ula shaqeeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Dowladda Mareykanka oo dhawaan aqoonsatay dowladda Soomaaliya oo dabada ka riixaysay in cunnoqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka uu gaaray, kaasoo ay ku sheegtay inuu fursad siinayo dowladda cusub ee Soomaaliya.

"Dowladdu waxay uga mahad-celineysaa Golaha Ammaanka, qadarintooda iyo fahamkooda,waxayna dowladda Soomaaliya mas’uuliyad iska saareysaa  dhammaan sharciyadda iyo sharuudaha la socda go’aanka Golaha Ammaanka ay gareen, si waafaqsan nidaamka, kuna dhisan hufnaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qayb-qaatan dib-u-dhiska dalkooda. “Talaabadan ayaa ah guul u soo hoyatay dhammaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya”.

Go’aanka cunno-qabateynta looga qaaday Sooamaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maamullada Puntland iyo Somaliland ay dalbadeen inaan dowladda Soomaaliya laga qaadin cunno-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya