Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez oo ugu Geeriyooday Magaalada Carcass Xanuunka Kansarka (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Madaxweynihii Venezuela, Hugo Chavez ayaa labadii sano ee ugu dambeysay la xanuunsanayay kansarka (Cancer) oo dhowr jeer looga daweeyay dalka ay dariska yihiin ee Cuba ayaa ugu dambeyn u geeriyooday.

Nicolas Maduro oo ah madaxweyne ku xigeenka dalkaas oo maqribnimadii Talaadada ka hadlay telefishinka Qaranka ayaa ku dhaawaqay warka ku aabsan geerida madaxweyne Chaves.

“Waxaan helnay akhbaar aad xanuun iyo naxdin badan… Madaxweyne Chaves wuxuu dhintay maanta saacaddu markii ay ahayd 04:25,” ayuu Maduro ka yiri telefishinka Qaranka.

Chaves in muddo ah goob fagaare ah laguma arag tan iyo markii laga helay cudurka halista ah ee Kansarka, waxaana aad u yara akhbaarta ku saabsan xaaladda xanuunka madaxweyne Chaves, iyadoona dad badan oo ka tirsan mawaadiniinta dalkaasi ay sameeyeen dibad-baxyo ay ku dalbanayeen inay helaan xogta hoggaamiyahooda ay jeclaayeen.

Hadal kasoo baxay militeriga ayaa lagu sheegay inay ilaalin doonaan qarannimada, sumcadda iyo ammaanka dalkaas, isla markaana ay daacad u noqon doonaan oo ay hoos-tagi doonaan madaxweyne ku xigeenka iyo baarlamaanka haatan jira.

Geerida ku timid madaxweynihii Venezuela ayaa waxaa ka hadlay dowladdo badan oo ku yaalla waqooyiga Ameerika, gaar ahaan kuwa ay dariska yihiin iyo waliba Mareykanka, waxayna dhammaantood sheegeen inay ka xun yihiin geerida Chaves.

"Venezuela waxaa u billaabatay taarikh cusub, dowladda Mareykankuna waxay kala shaqeyn doontaa oo ay dalkaasi ka taageeri doontaa dhinacyada siyaasadda iyo hirgelinta dimuquraadiyadda, sida ilaalinta sharciga iyo xushmaynta xaquuqda aadanaha,” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka.

Madaxweyne Chaves ayaa Venesuela ka talinayey muddo 12-sanno, isagoo intii uu xilka hayay ka hirgalisay dalkiisa dhowr qodob oo waxqabadkeeda ka mid ahaa sida barnaamijyada arrimaha bulshada ee waxbarashada iyo caafimaadka. Laakiin inkastoo uu waddanku yahay mid qani ku ah wax-soo-saarka saliidda, haddana shaqo la’aanta iyo faqrigu waa ku baahsan guud ahaan dalkaas.

Chavez oo 58-jir ahaa ayaa waxaa lag xusuusan doonaa hirgelinta iyo hadalka siyaasadeed, isagoo toddobaad waliba telefishinka Qaranka ee dalkiisa ku lahaa barnaamij si toos loo daawado oo lagu magacaabi jiray haye madaxweyne (Hello President), kaasoo uu inta badan kaga hadli jiray fikradihiisa siyaasadeed, heesaha iyo waliba ciyaaraha dalkiisa.














Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota