Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Muddo afar Maalmood gudahood ah ayaa wasaaradda maaliyada Somaliland waxay xilkii ka xayuubisay mas’uulkii cashuuraha barriga ee degmada Boorame kaga qaaday mas’uul ay u soo magacowday oo maalintii Khamiistii gelinkii dambe, xilka kala wareegay madaxii hore ee xafiiskaas, Warsame. Xil ka qaadistan ayaa noqonaysa tii ugu deg-degta badnayd oo ka dhacda Somaliland.
Mas’uuliyiinta xafiiskan isku bedelay ayaa intaq badan waxay isku hayb yihiin wasiirka maaliyadda Somaliland, iyadoo aan la garanay waxa sababay in muddo toddoba casho gudahood ah xilka looga qaado mas’uul la magacaabay.
Waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu degmada Boorame soo gaaro mas’uulka cusub ee lasoo magacaabay xilkan oo aan la garanayn muddada uu ku waarayo xilkiisa.
Xaalka sidan ah ayaa wuxuu gobolka Awdal ka dhigayaa mid ka mid ah gobollada ugu bed-bedelka badan ee ay xukuumadda Kulmiye cid u soo magacawdo haddana ka qaado.
Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland