Boqolaal Gaadiid ah oo Shaqooyinkoodii Joojiyay Kaddib markii ay Billowdeen weeraro Gaadiidka lagu Ugaarsanayo

Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Boqolaal gaadiid ah ayaa shaqo joojin sameeyay kaddib markii degaanno kala duwan ay ka billowdeen weerarro, dhac iyo dil oo si gaar ah loogu beegsanayo gaadiidleyda.

Weererradan oo ka dhacay deegaanno kala duwan oo gobolka Sool ka tirsan ayaa waxay salka ku hayaan colaad u dhexeysa maamulka Somaliland iyo dadka deegaankaas taasoo kusii siqaysa inay saamayso dadka shacabka ah.

Weerarkii u dambeeyey ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Dharkayn-geenyo oo in ka badan 7-km kaga beegan galbeed magaalada Laascaanood xadka Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan, kaasoo uu ku dhintay wadihii gaari la weeraray.

Sidoo kale, saddex baabuurta xamuulka ah ayaa ku sugan tuuladda God-aanlo deegaan u dhow oo ka tirsan degmada Taleex, waxaana qaarkood lagu haystaa raggii watay oo iyaga laftooda maxaabiis ah.

Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah wax-garadka deegaankaas oo HOL weydiisay sababta loo weerarayo gaadiidleyda ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyay sababta waxan keentay oo uu sheegay in dagaalladii ka dhacayey degmada Xuddun ay hooyo u yihiin.

Wuxuu intaas ku daray dagaal ka dhacay degmada Xudun billowgii Maarso in ay ciidamadda Somaliland galeen tuulo lagu magcaabo Gorofley halkaasoo ay ku dileen dad shacab ah sida uu sheegay ayna ka kaxaysteen rag iyo gaadiidba.

Sidoo kale, Maxamed wuxuu in dadka gaadiidka haystaa ay yihiin dadkii gaadiidkooda la kaxaystay iyo dadkii dadku ka maqnaayeen, kuwaasoo ku doonaya inay waxoodii ku helaan.

Arrinta qabsashada gaadiidku waxay keentay in haataan ay billaabato in qofkii Somaliland waxyeesho uu beegsado dadka beel ahaan kasoo jeeda waqooyi oo ay u haystaan in Somaliland tahay qabiil wixii ay geysataanna qabiilkaas geystay.

Ninka shalay dhintay oo waday gaari 12-tanle ah oo baradho ka keenay Itoobiya ayaa sida ay dad deegaankaas ku sugan sheegeen uu gacan ku dhiigluhu u aaneeyay in walaalkii ay dileen ciidamada Somaliland.

Falalkan oo marba mar ka danbaya soo xoogeysanay ayaa waxaan jirin weli cid sidii loo soo afjari lahaa isku hawshay, waxaana hakad aad u badan iyo hoos-u-dhac baaxad leh uu soo food saaray isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

Dadka wax odorosa ayaa waxay sheegayaan in weli ay arrintu tahay mid sahlan; balse sida muuqata ay kusii siqayso in dadku is bidhaansadaan oo reer guuraagu kala go'o sidii dabayaaqadii sannadii sideetamaadkii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online
[email protected]   
Laascaanood, Gobolka Sool