Arbaco, March 06, 2013 (HOL) - Saraakiisha u qaabilsan doorashada dalka Kenya oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa tirinta codadkii la dhiibtay isniintii ayaa ka soo qulqulaya 47-da county ee Kenya ay ka koobantahay, kuwaasoo natiijada soo gaarsiinaya xarunta Bomas ee looga dhawaaqayo natiijada kama dambaysta ah,taasoo ku taalla caasimadda Nairobi.
Gudiga doorashada ee dalka Kenya oo uu hogaamiyo Axmed Isaaq Xassan oo ah nin Soomaali ah oo u dhashay gobolka waqooyi bari ayaa shalay kulan xaasaasi ah la qaatay musharrixiinta, iyadoo lagu qanciyay inay aqbalaan marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.
Waxaana la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo natiijada sida wayn loo sugayo, iyadoo wali ay xiranyihiin ganacsiyadii maalintii sadexaad inta badan magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya.
Natiijooyinka hordhaca ah ayaa wali muujinaya in doorashada uu ku hogaaminayo 53% musharraxa isbahaysiga Jubilee Uhuru Kenyatta oo uu dhalay aasaasihii Jamhuuriyada Kenya Jomo Kenyatta.
Waxaase ku soo dhow musharraxa isbahaysiga Cord Raila Odinga oo ah, Ra'iisul wasaaraha haatan talada haya.
Ciidamada ayaa gaafwareegaya goobaha xudunta ah ee caasimada Nairobi, iyagoo isu diyaariyay inay ka hortagaan hadii ay rabshado ka dhashaan ku dhawaaqida natiijada.
Axmed C/samas, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Natiijada doorashadii Kenya ka dhacday isniintii oo la filayo in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqo
More News
- Madaxweynaha Somalia oo si Diirran u soo Dhaweeyay Go’aankii Soomaaliya looga qaaday Cunno-qabteynta hubka
- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Qafiifiyay Cunno-qabteyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya
- Shaacinta natiijada doraashadii dalka Kenya oo dib u dhac ku yimid
- Somaliland oo Maalmo Gudahood xilkii kaga Qaadday Mas’uulkii Canshuuraha Berriga ee Degmada Boorame
- Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Iskuulka Degmada Caabud-waaq, Qalabna Guddoonsiiyay (SAWIRRO)
- Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Magaalada Xariirad oo uu ku dhintay qof kaasoo maanta la aasay
- Kulan ay ka qayb-galeen Maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe oo oo Maanta ka dhacay Degmada Jowhar (SAWIRRO)
- Somaliland oo kasoo Horjeestay in Dowladda Soomaaliya oo keliya laga Qaado Cunno-qabteynta Hubka
- Xukuumadda Soomaaliya oo Maamullo KMG ah u Magacowday Degmooyinka iyo deegaanno ka tiran Gobolka Gaguduud
- Boqolaal Gaadiid ah oo Shaqooyinkoodii Joojiyay Kaddib markii ay Billowdeen weeraro Gaadiidka lagu Ugaarsanayo
- Dowladda Somalia iyo Ahlusunna Waljamaaca oo Heshiis ku gaaray Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud
- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo Maanta ku sii jeeda Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud
- Madaxweynihii dalka Venezuela Hugo Chavez oo ugu Geeriyooday Magaalada Carcass Xanuunka Kansarka (SAWIRRO)