Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo Wafdigiisa oo Maanta ku sii jeeda Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud

Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan saakay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, taasoo qayb ka ah socdaalka shaqo ee uu ku joogo gobolka Galguduud.

Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM ayaa isla xalay gaaray degmada Cadaado si ay u adkeeyaan ammaanka ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo xalay ku sugnaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud.

“Xalay waxaa degmada soo gaaray ciidammo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti, waxaana filaynaa in saakay uu soo gaaro degmada ra’iisul wasaaraha iyyo wafdiga uu hoggaaminayo,” ayuu yiri madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, Maxamed Aadan Tiiceey oo ku sugan oo ku sugan Cadaado.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalintii saddexaad ku sugan gobolka Galguduud isagoo shalay la hadlay shacabka degmada Caabudwaaq ayaa u sheegay in socdaalkooda uu ku saleysan yahay sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda ay ku nool yihiin shacabka ku nool gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Marka uu ra’iisul waasaruhu tago Cadaado ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho waxgaradka, dadka deegaanka iyo maamulka, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha uu kala hadli doono, marka laga reebo inuu ku amaano howsha ay deegaankooda ka qabteen.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaya wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka iyo xubno ka tisran xafiiskiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya