Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Qafiifiyay Cunno-qabteyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya


Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaco ah qafiifiyay cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, iyadoo la sheegay in muddo hal sano ay ka qaadeen Soomaaliya cunno-qabateynta.

Xubnaha golaha ammaanka ee 15-ka ah ayaa meel mariyay go’aankan oo u ogolaanaya dowladda Soomaaliya inay soo iibsato hub ay ku qalabeyso ciidamadeeda xoogga si ay uga hortagaan Al-shabaab.

Cunno-qabteyntan ayaa waxay Soomaaliya saarnayd tan iyo sannadkii 1992-kii, iyadoo lagu soo rogay dalka kaddib hal sano markii la riday dowalddii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre markasoo uu dalku galay dagaallo sokeeye oo ay garwadeen ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo awoodda ku loolamayay.

Dowladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidammo ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa waxay Al-shabaab kala wareegeen sannadkii iyo barkii lasoo dhaafay deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa aad u taageersanaa in cunno-qabateynta hubka laga qaado dowladda uu horkacayo Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaysa tii ugu horreysay ee rasmi ah tan iyo markii la riday dowladdii milateriga ahayd.

Xukuumada Britain, Faransiiska iyo kuwo kale ayaa waxay ku cadaadiyeen golaha ammaanka inaan hubka si dhameystiran looga qaadin Soomaaliya, taasoo ay ku sheegeen inay keeni karto khatar uu mar kale dalka geeska Afrika ku yaala.

Qaraarka golaha ammaanku gaaray oo tirsigiisu yahay 2093 ayaa wuxuu ogolaayaan in hal sano cunno-qabateynka hubka la qaado, iyadoo sidoo kale loo oglaaday dowladda Soomaaliya inay hub fudud iibsato. Iyadoo la xusay in go’aankan uu yahay mid tijaabo ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya