4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Xilwareejin taariikhi ah oo uu sameeyay boqorkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii
553.jpg
Talaado, June 25, 2013 (HOL) - Boqorkii dalka Qatar Sheekh Xamad Bin-Khaliifa Althaanii ayaa si rasmi ah xukunka ugu wareejiyay wiilkiisa Sheekh Tamiim Bin Xamad Althaanii, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo taariikhda wadamada carabta uu boqor si iskiisa xilka isaga wareejiyo.

Boqor Xamad oo xilka ku qabsaday cinqilaab aanu dhiig ku daadan oo uu ku sameeyay aabihii sannadkii 1995-tii ayaa Qatar oo ah waddan yar oo ku yaal Khaliijka carbeed ka dhigay mid kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan uguna firfircoon dhanka siyaasadda ee wadamada ku yaala gacanka carabta.

Waxaana markii uu xukunka qabtay sidoo kale ka sameeyay warbaahinta ugu wayn uguna afka dheer dunida carabta ee Aljazeera, iyadoo taleefishinkaas lagu tilmaamo inuu horseed ka ahaa kacdoonadii xoogga badnaa ee ka dhacay gobolka bariga dhexe oo xukunka looga tuuray hogaamiyayaashii Masar,Libya,Tunizia iyo Yemen, iyadoo haatanna uu kacdoon uu dhiig badani ku daatay ka soconayo waddanka Syria.

Boqorka oo dadweynaha waddankiisa taleefishinka kala hadlay ayaa sheegay in waddanku uu u baahanyahay isbadal siyaasadeed ayna muhiim tahay in jiilka soo kacaya loo dhiibo talada dalka.

Xil wareejinta maanta ka dhacday waddanka Qatar oo uu xilka kula wareegay Sheekh Tamiim oo 33 sano jir ah ayaa dadka falanqeeya siyaasada wadamada carabta ay ku tilmaameen inay horseedi karto dhaq-dhaqaaqyo lagu dalbanayo isbadallo wadamada ay ka jiraan boqortooyinka ee intooda badan ku yaala Khaliijka carabta, iyadoo Sheekh Xamad oo isagoo wali caafimaad qaba oo firfircoon uu si iskiis ah uu isaga wareejiyay xilka, halka ay boqorrada kale xukunka hayaan inta ay ka dhimanayaan.

3669e256-cbd1-442d-8fdc-fc70c78c01b7.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya