4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Dagaal khasaare nafeed geystay oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya & kuwa Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Bay

Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo mushaar la’aan uga soo gadooday degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Goof-guduud oo u dhexeysa degmooyinka Baydhabo iyo Qansax-dheere.

Inta la ogyahay tobaneeyo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaalkaas iyadoo ay ku dhaawameen tiro intaas ka badan, balse taliyaha guutada koowaad ee ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Bay, Col. Xasan Baydhabo ayaa sheegay in dhankooda ay kaga dhinteen dagaalka laba askari, lix kalena ay kaga dhaawacmeen.

“Ciidamada aan taliyaha u ahay oo mushaar la’aan dhowr bilood ah awgeed uga soo gadooday degmada Qansax-dheere kuna socday Baydhabo ayaa waxaa jidka u galay xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana dhacay dagaal aad u culus,” ayuu Col. Xasan Baydhabo oo sheegay inuu isagu la socday ciidamada dowladda ee gadoodka sameynayay.

Taliyaha ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay gantaal ku dhufteen mid ka mid ah gadiidkii ay wateen, kaasoo uu isagu saarnaa, balse aysan waxba ku gaarin, wuxuuna sheegay in goobta ay iyagu ku sugan yihiin weli.

Xarakada Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inuu ahaa mid qorsheysan oo ay la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo ka baxay Qansax-dheere kuna socday Baydhabo.

Waxayna intaas ku dareen inay dagaalkaas ku dileen askar badan oo ka mid ah kuwa dowladda, inkastoo aysan sheegin tirada ay dileen iyo khasaaraha kasoo gaaray dhankooda dagaalka.

Balse goobjoogayaal ku suganaa deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydad ka badan 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah kuwaasoo dhintay intii uu dagaalku socday.

Isbitaalka Baydhabo ayaa la xaqiijiyay in la gaarsiiyay maydadka lix qof iyo dhaawac intaas ka badan, kuwaasoo ahaa ciidamadii dowladda ee dagaalka la galay xoogaggii Al-shabaab.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxaa degmada Baydhabo gaarayay tiro ka mid ah ciidamada dowladda oo mushaar la’aan uga soo gadooday goobo ay kaga sugnaayeen gobolka Bay, kuwaasoo mararka qaarkood ka geysta magaalada Baydhabo falal isugu jira dhac iyo kufsi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya