4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka qaybgaleysa shir-goboleed dalalka Carabta oo ka socda Magaalada Qaahira (SAWIRRO)


Talaado, Juun 25, 2013 (HOL) — Wafdi ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya shir-goboleedka dalalka Carabta ee looga hadlayo dadka iyo horumarinta (Regional Conference on Population and Development in the Arab states), kaasoo ka soconaya Dusit Thani Hotel oo ku yaalla magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Shir-goboleedkani oo ay goob-joog ka yihiin wasiiro, dublomaasiyiin, madaxda qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gobolka, qaybaha kala geddisan ee bulshada rayidka Carbeed iyo khubaro kale.

Wafdiga Soomaaliya matalaya hogaaminaya safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna ergeyga joogtada ah ee ururka jaamacadda Carabta, danjire C/llaahi Xasan Maxamuud oo ay ku wehlinayaan xildhibaanono, mas’uuliyiin ka kala socda wasaaradaha arrimaha dibadda, qorsheynta, horumarinta adeegga bulshada iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed, waxaana shirkan uu furmay 23-kii Juun iyadoo lagu wado in la soo xiro gelinka dambe ee maalinta Arbacada oo ku beegan 26-ka Juune .

Shir-goboleedkani oo looga doodayo caqabadaha diiddan in horumar la sameeyo iyo isbadalada tirada dadka ku nool dalalka carbeed oo si aad ah isku bedelay, ayaa qaar ka mid ah dalalka Carbeed lagu daray shirgudoonka wareegga ah ee xilliyeysan, waxaana maanta Soomaaliya ay shir-gudoomin doontaa shir goboleedkan muddo saacado ah, iyadoo lagu wado in hadal uu ka  jeediyo shirka xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-Carabi .

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, danjire Cabdullaahi Xasan ayaa wuxuu ka sheegay kulanka in kooxda Al-shabaab ay tahay caqabadda hortaagan in horumar la gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada kooban ee ay gacanta ku hayaan, isagoo xusay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii loo horumarin lahaa deegaannada miyiga ah, wuxuna tilmaamay in aqoonyahanno Somali ah oo dalka uu u baahan yahay ay macallimiin ka yihiin jaamacado ku yaalla dalalka Yurub iyo Ameerika, taasina ay qayb ka tahay buu yiri caqliga wax-galka ah ee barakacay.

Wasiiro kala matalayay dalalka Ciraaq, Suudaan iyo Falastiin ayaa waxay ku taliyeen in baaq loo jeediyo dadka aqoonyahannada ah ee Carbeed ee hadda ka howlgalaya dalalka reer galbeedka si ay dib ugu soo laabtaan dalalkooda oo ay ka shaqeeyaan horumarkooda, sidoo kalena waxay ku taliyeen in xad loo yeelo dadka aqoonta leh ee u barakacaya dalalka kale ee caalamka, taas oo ay ku sheegeen inay keeni karto in dallaka Carabta ay aqoontoodu hoos u dhacdo.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya