4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Shirkadda Salama Cash & Carry ee ugu Weyn Ganacsiga Soomaalidu ay ku leedahay Koonfur Afrika oo uu dab qabsaday


Talaado, Juun 15,2013 (HOL) - Salama Cash & Carry oo aheyd shirkad ganacsi oo ay inta badan ku tiirsanaayeen ganacsiga Soomaalida Koonfur Afrika ayaa waxaa dab qabsaday habeenimadii Isniinta ee 24-ka June 2013. Dabdkaan oo aan la ogeen waxa sababay ayaa guud ahaan baabi'iyay hantidii taalay goobta uu dabku ka kacay.

Maamulaha Shirkadda Salama Cash & Carry oo bahda saxaafada kula hadlay gudaha shirkadda ayaa sheegay inaysan haatan cadeyn karin sababta keentay dabkaan, iyadoo ay baaritaan ku hayaan kooxaha dabdamiska ah ee dowladda Koonfur Afrika, wuxuuna intaa ku daray inay dib kasoo sheegi doonaan wixii dhaliyay dabka iyo qasaaraha soogaaray.

Safiirka Soomaalida ufadhiya Koonfur Afrika Sacaadatu Sayid Shariif oo aroortii hore soo gaaray goobta dabku qabsaday ee ay shirkadu kutaalay ayaa guud ahaan uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed qasaarihii soo gaaray shirkadda Salama, isagoona ku tilmaamay in salama ay aheyd shirkad qaran ee aysan aheyn shirkad ay gaar u leeyihiin dad gaar ah.

Mr Sivu Maqungo oo horay u ahaa Agaasimaha waaxda xiriirka caalamiga ah ee dowladda Koonfur Afrika xafiiska Bariga Afrika oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii soogaaray goobta ganacsi ee shirkadda Salama Cash & Carry ee gubatay ayaa si gaar ah ulaha hadlay shaqaalaha shirkadda oo badankooodu ay ahaayeen dad Koonfur Afrikan ah, isagoo alle uga rajeeyay in Salama ay dib usoo kabsan doonto.

Guud ahaan gubashada Xarunta Ganacsi ee Salama Cash & Carry ayaa murugo kubeertay dad badan oo Soomaali iyo ajnabiba leh kuwaasoo sheegay inaysan Koonfur Afrika ku heleen shirkad sida Salama la mid ah. Isku soo duuboo waxay arrintaani kusoo hagaageysaa xilli bilihii lasoodhaafay ay dalkaani Koonfur Afrika ka socdeen boob iyo dil loogeysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ganacsada magaalooyinka iyo tuulooyinka Koonfur Afrika, Iyadoo ay Salama aheyd halka looga adeego inta badan ganacsiga Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.




Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
[email protected]