4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Jaamacadda Muqdisho oo markii ugu Horreysay ay ka Qalin-jabiyeen Arday dhameystay Waxbarashada Daraasaadka Sare (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-08-2013, waxaa xaflad aad loosoo agaasimay loo qabtay 35 arday oo ka qalin-jabisay Jaamacadda Muqdisho qaybteeda daraasaadka sare (Postgraduate program).

Barnaamijkan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Muqdisho iyo Open University oo xarunteedu tahay dalka Malaysiya. Munaasabadda qalin-jebinta waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha wasaaradda arrimaha bulshada Ismaaciil, duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla iyo C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow. Iyadoo sidoo kale ay joogeen maamulka sare ee Jamaacadda Muqdisho iyo macalimiinta wax ka dhiga .

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow ayaa halkaas hadallo kasoo jeediyay,  isagoo yiri: “Ururrada bulshada rayidka ah waxay qirayaan in Jaamacadda Muqdisho ay hormuud u tahay waxbarashada dalka, ayna rajo gelisay xilli dadka iyo dalkuba rajo beel ku sugnaayeen.”

Prof. Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah macalimiintii ardayda qalin-jabisay maanta, oo isaguna hadal kasooo jeediyey goobta ayaa yiri: “Macallinku waa shumac iftiimiya qayrkiis, isaguna gubta. Laakiin siyaasigu waa dab, dabkuna wuxuu u baahan yahay si uu u sii shidnaado xaabo.”

C/rashiid Caynaashe oo ka mid ah ardayda maanta qalin-jabisay kana mid ah maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo isaguna hadlay, ayaa xusay in Jaamacadda Muqdisho ay u taagan tahay inay soo saarto bulsho aqoon leh oo il-bax ah, halka ganaacsatadu ay ka dhisayaan guryo waaweyn.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda isagoo u mahadceliyay madaxda iyo aasaasayaashii Jaamacadda Muqdisho iyo qof walba oo fikraddiisa ku biiriyay, isagoo Jaamacadda ku tilmaamay mid iftiiminaysa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa hadallo kala duwan halkaas kasoo jeediyay madaxa guud ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo xusay in Jaamacada Muqdisho ay tahay mid sharaf ku dhex leh Somalia, Qaaradda Afrika iyo Caalamka intiisa kale.

Waxaa kaloo guddoomiyuhu uu u hambalyeeyay ardayda qalin-jabinaysay, isagoo xusay inay u soo adkeysteen waxbarashada intii ay daraasaddan ku jireen ayna naftooda iyo maalkooda u hureen sidii ay heerkan u soo gaari lahaayeen.

”Danta ugu weyn ee Jaamacadda Muqdisho loo aasaasay ayaa ahayd inay soo saarto qof akhlaaq leh, waxbarasho tayo leh iyo ruux ka run sheega wuxuu soo bartay, isla markaana aan ku dhaqmin musuq-maasuq iyo wax-is-daba-marin,” ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu goobta kaga dhawaaqay in Jaamacadda Muqdisho si iskeed ah markii ugu horreysay u bixin doonto shahaadooyinka Master-ka iyo PHD-ga. Iyadoo jaamacaddu marxalad cusub ay kaligeed wadi doonto oo ay ka madax-bannaan doonto jaamacadaha iskaashiga dhinaca waxbarashada ahi uu kala dhexeeyo, taasoo uu u sababeeyay in jaamacaddu ay kaalimaha hore ka gashay jaamacadaha Qaaradda Afrika.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya