4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo Ansixiyay Heshiiskii Dowladda iyo Maamulka Jubbooyinka ay ku gaareen Addis Ababa (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis  Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo sidoo kalena ay wasiirradu ansixiyeen qorshaha uu booliiska Soomaaliya ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga looga dhageystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo xusay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa tilmaamay in kulanka golaha diiradda lagu saaray amniga, ayna ka doodeen heshiiskii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku dhexmaray dawladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka maamulka Jubba, waxayna golaha wasiirradu soo dhaweeyeen isla markaana ansixiyeen heshiiskaas.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in golaha wasiirradu ay ansixiyeen qorshaha booliiska ee afarta sano ee soo socota ay ku shaqeyn lahaayeen, kaasoo ah qorshe lagu horumarinayo tirada, tayada iyo tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala dhammaan gobolada dalka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kuwaasoo uu hoggaaminayay danjire Waliid Muuse oo ka socday waaxda ciidanka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay iyo danjire Maxamed Saalax Al-nadiif, waxayna ka wada-hadleen arrimo khuseeya sidii loo ballaarin lahaa howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM.

Gabagabadii kulankan ayuu afhayeenka xukuumaddu sheegay in wufuuddan ay shir wada-qaateen ra’iisul wasaaraha ayna ka hadleen sidii loo ballaarin lahaa howlgalka AMISOM, looguna bedeli lahaa mid ku howlgala magaca Qarammada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxay socdaallo ku tegi doonaan gobollada dalka qaarkood iyagoo u kuurgalaya howlgallada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan deegaannada ay ka mid yihiin: Beledweyne, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya