4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo Taageeray Heshiiskii ay Ergooyinka Soomaalidu ku gaareen Itoobiya


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka ku kala saxiixdeen shalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in maamul KMG ah loo sameeyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, lana baabi’iyo maamulkii horay halkaas looga dhisay kaasoo ay diidanayd dowladda Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu dhameynayo khilaaf bilooyin soo jiitamayay oo u dhexeeyay dowladda iyo maamulkii la bedelay ee Jubbooyinka.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday, taasoo qayb ka qaadanaysa dib u soo celinta Soomaaliya isla markaana xoojineysa dowladda Soomaaliya, sidoo kalena qayb ka qaadanaysa xasilloonida gobolka iyo midda caalamka,” ayuu yiri Kay oo intaas raaciyay. “Heshiiskan waa mid albaabbada u furaya in ay Soomaaliya gaarto mustaqbal wanaagsan.”

Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka ee heshiiska saxiixay ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid meesha ka saaraya dhibaato u dhexeysay labada dhinac.

“Dhinacyada oo dhan waxaan kula talinayaa inay fuliyaan qodobbadii ay ku heshiiyeen. Qodob kasta oo fuli waaya waa mid caqabad ku noqonaya dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada beesha caalamku ay ku doonayso inay gacan uga geysato dib u soo celinta nabadda iyo deggenaanshaha Somaaliya. Aniguna waxaan si dhow ula socon doonaa sida ay qodobbadan u fulaan,” ayuu Kay mar kale yiri.

Sidoo kale, Nicholas Kay wuxuu ammaanay dhinacyada heshiiskan gaaray, isagoo docda kale ammaan u jeediyay urur goboleedka IGAD oo dadaal badan ku bixiyay sidii uu shirkaasi u noqon lahaa mid miro-dhala.

“Bulshada ku nool gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan Soomaalida waxay sugayaan in maamulka cusub ee Jubba uu nabad ka dhaliyo gobolladaas, kana shaqeeyo horumarinta bulshada. Waxyaabaha sida weyn looga filayo maamulkan waxaa ka mid ah inuu nabadeeyo Kismaayo si dadkii horay uga barakacay ay dib ugu soo laabtaan, isla markaana uu joojiyo dhoofinta sharci-darrada ah ee dhuxusha,” ayuu ergaygu hadalkiisa ku daray.

Magaalada Kismaayo ayaa tan iyo markii laga saaray xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay bishii Oktoobar sannadkii 2012, waxaa ka taagnaa muran salka ku haya cidda maamulaysa, iyadoo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey dhinacyo ku loolamayey maamulka degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya