4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Kormeeray Bankiga dhexe oo laga billaabay Mushahar-bixinta Shaqaalaha Dowladda [SAWIRRO]


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka kormeer ku tegay bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka soconeyso bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee hay’adaha dawladda.

Mashruucan mushahar-bixinta oo ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Norway ayaa waxaa fulinaya wasaaradda maaliyadda, waxaana loo adeegsanayaa qaab casri ah, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo mushahar bixinta shaqaalaha dowladda Soomaaliya loo adeegsado qaabkan casriga ah.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa booqday dhammaan xafiisyada uu ka kooban yahay bankiga dhexe iyo goobaha ay howshu ka socotay, iyadoo xilligaasi safaf dhaadheer ay ku jireen qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda oo qaadanayay mushaharaadkooda.

Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinayay kormeerkan, isagoo uga warbixiyay qaabka lacag bixinta iyo cidda ka taageeraysa, wuxuuna sheegay in dawladda Norway ay gacan ka geysanayso qorshahan cusub ee mushahar-bixinta shaqaalaha dowladda.

“Bankigu maanta wuxuu bilaabay mushahar-bixintii ugu horreysay iyadoo lagu bixinayo mashruuca loo yaqaano Special Financial Facility (SFF), kaasoo ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Norway oo muddo sideed bilood ah laga soo sahqeynayay,” ayuu wasiirka maaliyadda ku yiri warbixin uu siinayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in qorshahani uu qayb ka yahay dib u habeynta dhaqaalaha dawladda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu ay mushaharaadkooda helaan, isagoo tilmaamay in dowladda federaalku ay iyadu bixinayso mushaharka ciidamada, iyadoo adeegsaneysa khasnadda dhexe ee dawladda.

“Arrintan waxay tusaale cad u tahay horumarka maamulka maaliyadda ee ay dawladdu sameyneyso, waana nidaam cad oo la xisaabtan leh,” ayuu ra’iisul Wasaarahu yiri, isagoo talaabadan ku tilmaamay guul u soo hoyatay dowladda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in qorshahani uu kalsooni ku abuurayo beesha caalamka.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay si buuxda u qaadatay isla markaana dhaqan gelisay siyaasad cad oo ku wajahan hagaajinta ilaha dhaqaalaha dalka.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya