3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Kulan Lagu Codsanayay in Xayiraadda Laga Qaado Ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha salaaddiinta, dib-u-heshiisiinta iyo wacyi-gelinta Soomaaliyeed ayaa beesha caalamka looga dalbaday inay aqbalaan baaqii ay soo jeedisay xukuumadda Soomaaliya ee ahaa inuusan wax dambi ah lahayn ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale oo Qaramada Midoobay ku dartay liiska xubnaha argagixisada ah.

Kulankaas ayaa waxaa kaloo kasoo qayb-galay qaybaha bulshada, waxaana si mideysan looga dalbaday beesha caalamka inay dib u eegto baaqyada uga imaanaya xukuumadda Soomaaliyeed iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku aaddan in xayiraadda laga qaado ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Afhayeenka golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur ayaa sheegay in kulankooda ay qayb ka tahay taageero ay u muujinayaan baaqii 22-dii bishan kasoo baxay Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee ahaa in ganacsade, Axmed Nuur Jimcaale laga saaro liiska uu ku jiro ee argagixisada ee ay Qaramada Midoobay kal hore ku dartay, maadaama uusan wax lug ah ku lahayn arrimaha lagu eedeeyay.

“Waxaan dowladda uga mahad celinaynaa sida ay uga damqatay dhibaatada lagu hayo ganacsadahaa Soomaaliyeed, annaguna waxaan taageersannahay baaqa xukuumadda, waxaana beesha caalamka ka codsanaynaa inay tixgelin siiso baaqaas,” ayuu yiri af-hayeenka golaha salaaddiinta,

Malaaq Cabdikariin Ibraahim Ibroow oo ah guddoomiye ku-xigeenka golaha salaaddiinta oo isna ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in beesha caalamka looga fadhiyo sidii ay u dhaqan-gelin lahayd baaqyada ay jeedinayaan dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha, Boqor Faarax Cabdi Guure ayaa isaguna ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan inay garab istaagaan baaqii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, isagoo xusay in taasi guul lagu gaari karo, shacabkana looga baahan yahay inay muujiyaan teegeeradooda arintaas ku aaddan.

Maalmihii u dambeeyey waxaa isa soo tarayey baaqyada ka imaanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu taageerayo go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirrada ee ahaa in ganacsade Axmed Nuur Jimcaale uusan lahayn wax dambi ah, kaddib baaritaanno ay xukuumadda Soomaaliya ku sameysay, iyadoo Golaha Ammaanka ka codsatay in laga qaado xayiraadda saaran.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/29/2013 12:47 PM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku qaaday weerar culus maqribnimadii caawa saldhigyo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen isgoyska SOS ee degmada Huriwaa, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkaas ka dhashay.

8/29/2013 12:30 PM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Maanta oo ay taariikhdu tahay 29-08-2013, waxaa xaflad aad loosoo agaasimay loo qabtay 35 arday oo ka qalin-jabisay Jaamacadda Muqdisho qaybteeda daraasaadka sare (Postgraduate program).

8/29/2013 12:20 PM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ku eedeeyay dowladda Somaaliya inay is-hortaagtay nidaamka federaaliga ah ee la doonayo Soomaaliya in laga hirgaliyo.

8/29/2013 11:51 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, iyadoo sidoo kalena ay wasiirradu ansixiyeen qorshaha uu booliiska Soomaaliya ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota.

8/29/2013 11:16 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Xarunta Dr. Shahiid ee Jaamacada Banaadir oo ku taalla deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay imtixaanka ogolaanshaha ama qubuulka ee ardayda ku biiraysa jaamacadda oo ay u fariisteen ku dhawaad kun arday.

8/29/2013 8:51 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL)Ergadii soo dooratay maamulka Jubbland ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa si diiran usoo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

8/29/2013 6:31 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbooyinka ku kala saxiixdeen shalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

8/29/2013 5:57 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saaka kormeer ku tegay bankiga dhexe ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka soconeyso bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee hay’adaha dawladda.

8/29/2013 2:48 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Arbacadii shalay guddi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo howshoodu tahay inay qiimeyn ku sameeyaan sidii ciidammo Qaramada Midoobey ka socda oo nabad illaalin ah loo keeni lahaa Soomaaliya.

8/29/2013 2:48 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) ayaa sheegay inaysan u dulqaadanayn in xilligan dhagaxaan waaweyn lagu jaro waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

8/29/2013 2:39 AM EST
Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Hay’adda Solidarity Kernel Yield (SKY) ayaa tababarkii ugu horreeyay ee ku saabsan aqoonta beeraha isugu jira khudaarta iyo geed-miroodka kale siisay beeraleyda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.