4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh oo Muqdisho kula kulmay wafdi Qiimeynaya sidii QM ay Ciidammo u keeni lahayd Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Arbacadii shalay guddi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo howshoodu tahay inay qiimeyn ku sameeyaan sidii ciidammo Qaramada Midoobey ka socda oo nabad illaalin ah loo keeni lahaa Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka difaaca, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo la-taliyeyaasha xafiiska madaxweynaha. Dhinaca kalena waxaa wehlinayay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika iyo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay iyo taliyaha ciidanka AMISOM.

Waliid Muusa oo u hadlay guddiga ayaa madaxweynaha u sheegay inay guddigu booqan doonaan Baydhabo, Kismaayo, Beledweyn iyo Jowhar si ay qiimeyn ugu sameeyaan horumarka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Sidoo kale, Muusa wuxuu sheegay in sidoo kale ay eegi doonaan caqabadaha jira iyo sidii Qaramada Midoobay uga saacidi lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliyeed tasiilaadkii ay ku howlgali lahaayeen.

Waliid Muusa wuxuu kaloo sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka sugayo warbixin ku aaddan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya si ciidammo nabad-illaalin ah oo ka socda UN-ka loo keeno Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna kulanka ka hadlay ayaa si aad ah uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika dadaalkooda ku wajahan sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal nabad ah oo deggen.

“Waxaan soo dhaweyneynaa wada-tashiyada joogtada ah ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay la yeelanayaan dowladda Soomaaliya, dowladduna waxay diyaar u tahay sidii howlaha aad u timaadeen aad u gudan lahaydeen. Al-Shabaab walow laga adkaaday haddana weli waxay khatar ku yihiin ammaanka dalka oo ay doonayaan inay caalamka tusaan in dalku uusan nabad ahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Ciidamada dowladdu waa diyaar oo tababar ku filan wey qaateen, laakiin caqabado badan ayaa jira sida tasiilaadkii iyo dhaqaalihii ay ku howlgeli lahaayeen iyo weliba sidii ay u heli lahaayeen xaquuqdooda aasaasiga ah. Dowladdu way soo dhoweyneysaa qorshaha Qaramada Midoobey ee ah in la taageero ciidanka dowladda si ay u gutaan howlahooda muhiimka ah.”

Ergeyga Midowga Afrika, danjire Maxamed Saalax Annadiif oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ballaaran oo ay dowladdu sameysay, isla markaana Midowga Africa uu mar walba garab-taaganaan doono dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidammo ka socda Midowga Afirka oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari, kuwaasoo dowladda Soomaaliya gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo dalka ah ka talisa.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya