4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab oo Maanta ku Dagaalamay Degmada Ufuroow

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Waxaa maanta ka dhacay degmada Ufuroow ee gobolka Bay dagaal socdey dhowr saacadood ah kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab, iyadoo degmadan ay dhawaanahan ahayd mid dagaalkeeda uu soo noq noqanayey oo kolba qolo ay qabsanaysay.

Dagaalkii maanta wuxuu ahaa mid aad u kulul oo dhaliyay barakac aad weyn, kaddib markii la isku adeegsaday hubka culus ee laga rido gaadiidka gaashaaman; iyadoo magaalada lagu arkayay ciidamada itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo gudaha u galay.

Ciidamada isbahaysanaya waxay ku dileen degmada qaaligii maxkamadda degmada ee ururka Al-shabaab oo la oran jiray, Sheekh Mukhtaar Maxamed Aadan Macallin oo ka haray xoogaggii Al-shabaab ee degmada isaga baxay.

Waxaa la sheegayaa inay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray uu jiro, laakiin weli lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku aaddan tirada dhimashada iyo dhaawaca dagaalka ka dhashay, iyadoo la sheegayo in dagaalku uu weli ka socdo daafaha degmada.

Dhanka kale, wararka hadda soo dhacaya waxay sheegayaan in dadweynaha degmada loo geystay dhac, kaddib markii la jabsaday dukaanno lana galay guryo degmadaas ku yaalla, iyadoo falkan lagu eedeynayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ayaa dib uga soo baxay degmada Ufuroow iyagoo ku laabtay halkii ay markii hore ka duuleen oo ahayd degmada Qansax-dheere ee isla gobolka Bay.

Hiiraan Online, Baydhabo