4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Kulan dhexmaraya Madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland oo Maanta ka furmaya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka furmaya magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, iyadoo Somaliland ay sheegtay inaysan gor-gortan ka galayn madax-bannaanideeda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la halday BBC-da isagoo ku sugan Ankara ayaa sheegay in shirka uu noqon doono mid ay labada madaxweynuhu isku dhaafsadaan fikrado ayna kasoo saaraan go’aanno mideysan oo ay dani ugu jirto Somailland, Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Afrika.

“Mowqifka Somaliland waa cad yahay waana inaysan gorgortan ka galayn xoriyadda iyo madaxbannaanida Somaliland oo shacabkeedu go’aansaday, mana dhacayso inaan shirkan iyo mid kale gorgortan uga galno arrintaas,” ayuu yiri wasiir didbadeedka Somaliland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay shirkan ka tahay fududeeye oo keliya, balse aysan ka ahayn dhexdhexaadiye; waxa wadahadlayana ay yihiin Soomaaliya iyo Somaliland.

Magaalada Ankara ayaa waxaa kuwada sugan madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland iyo wasiirro la socda, waxaana lagu wadaa in kulanka maanta u furmaya uu caawa lasoo gabgabeeyo lagana soo saaro qodobbo ay labada dhinac isku afgarteen.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Somailland oo wax laga weydiiyay ka qaybgalkooda shirka magaaalada London lagu qabanayo bisha soo socota ee May ayaa sheegay inaysan ka qaybgalayn, maadaama uusan ahayn mid quseeya Somaliland.

“Shirkaas waxaan u aragnaa inuu yahay mid dhaqaale loogu raadinayo Soomaaliya, marka ma doonayno inaan ka qaybgalo,” ayuu yiri Cumar oo sheegay inay diyaar u yihiin dhankooda inay ka qaybgalaan shir walba oo looga hadlayo maslaxada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maamulka Somaliland oo aan weli aqoonsi helin ayaa wuxuu 20-sano ka hor ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, iyadoo madaxdii soo maray Soomaaliya ay hadalkaas ku tilmaameen mid aan suurogal ahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya