4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Xukuumadda Jabuuti oo xasbiga kasii daysay xubno mucaarad ah oo ka tirsan Xisbiga USN oo diidanaa doorashadii Baarlamaanka

Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Jabtuui ay sii daysay 14 ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ee ka tirsan xisbiga USN, kuwaasoo la xiray markii lala xiriiriyay inay ku lug lahaayeen dibadbaxyo loogas oo horjeedo xukuumadda oo bishii hore ka dhacay dalka Jabuuti.

Waddooyinka dalka Jabuuti ayaa waxaa bishii hore ka dhacay dibadbbaxyo lagu diidan yahay natiijooyinkii doorashadii baarlamaanka oo xisbiga talada haya uu ku guuleystay, waxaana taasi ay keentay in la xirxiro xubno badan oo ka tirsan mucaaradka.

“Sii-daynta xubnaha xisbiga USN waa mid dhiirri-gelin ah, balse ma ahan mid aan si dhameystiran ugu qancayno inta laga sii daynayo dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka,” ayuu yiri xoghayaha guud ee xisbiga USN, C/raxmaan Maxamed Geelle oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xisbiga USN oo ah xisbiga helay 10% kuraasta baarlamaanka Jabuuti ayaa ku andacoonaya in lagu shubtay codadkii doorashada baarlamaanka, iyagoo sheegay in xisbiga talada haya uu ku dhaqmay musuqmaasuqa dhinaca cod bixinta ah.

Baarlamaanka dalka Jabuuti oo ka kooban 65 kursi ayaa waxaa 80% helay xisbiga talada haya ee uu hoggaaminayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo xukunkaas la wareegay sannadkii 1999-kii.

Mas’uuliyiinta xabsiga laga sii daayay ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka xisbiga USN, Daahir Axmed Faarax (Daaf) oo la xiray laba bilood ka hor, kaddib markii lagu eedeeyay inuu maleegayo shirqoollo ka dhan ah xukuumadda Jabuuti, uuna yahay mas’uulka hurinaya mudaaharaadyada.

Dalka Jabuuti oo shacabkiisu yahay 920,000 qof oo keliya, ayaa waxaa ku leh saldhiyo waaweyn dalal uu Mareykanku ka mid yahay, iyadoo doorashada lagu murmay ay noqonayso tii ugu horreysay oo dalkaas ka dhacda ayna ka qaybgalaan  mucaaradka si ay kuraas ugu yeeshaan golaha baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya